Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Khayre oo ka Qayb galay Dood ku saabsan ka soo kabashada iyo Jawaab ka Bixinta Abaaraha Soomaaliya “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
R/W Khayre oo ka Qayb galay Dood ku saabsan ka soo kabashada iyo Jawaab ka Bixinta Abaaraha Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay shir looga hadlayay dood ku saabsan ka hortaga iyo jawaab ka bixinta Abaaraha soo noq-noqda ee Soomaaliya.Waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiir ku xigeenka Abaaraha, iyo Wasiir Dawlaha Arimaha Dibadda, qaar kamid ah Hayadaha Qaramada midoobay, madax ka socotay maamul goboleedyada iyo Safiirada dalalka taageera Soomaaliya

Ra’iisul Wasaarah Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay wufuuda ka soo qayb gashay shirka oo ka kala yimid meelo fog-fog waxuuna ka sheekeeyay jawaabtii ay ka bixisay xukuumadiisa abaartii Soomaaliya mudadii yarayd ee ay jirtay, isagoona sheegay in markii la magacaabay ay dadaal dheer u galayn sidii ummadda Soomaaliyeed looga badbaadin lahaa abaaraha.

Related posts

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa qeexay doorka qurba joogta Soomaaliyeed ay ku lahaayeen wax ka Qabashada abaarihii ku dhuftay dalka, waxuuna tilmamay in ay iska soo aruuriyeen lacag gaaraysa Shan Milyan oo Dollar.

“Soomaaliya waxaa u bilaamay baal cusub oo horumarineed, waxayna diyaarisay qorshayaashii ay ku sugan lahayd Amnigeeda kuna horumarin lahayd dalka oo dhan. Sidoo kal waxay diyaarisay qaabki looga hortigi lahaa khatarta abaaraha, anagoo kaa shanayna hay’adaha caawiya Soomaaliya.

“Suurtagal noqon mayso in dalkeena uu leeyahay khayraad farabadan shacabkeenuna ay macluul iyo gaajo u dhintaan. Balse waa in aan horumarinaa wax soo saarka dalka si ay u yaraato gaajada iyo macaluusha shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Shirka ayaa lagu falanqeeyay sidii looga gaashaaman lahaa looguna diyaar garoobi lahaa abaaro kale oo Soomaaliya soo wajaha iyo habka ugu haboon ee loo hubin karo in gargaarka la gaarsiiyo dadka loogu talagalay, taas oo ay ugu deeqeen dawladooda iyo hay’adaha caalamka.

Previous Post

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Magaaladda Jowhar gaaray

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo joojiyey dhismaha ka socda dhulka Biyaaso Liibaro ee degmadda Xamar jajab

Next Post
“AKHIRSO” Maamulka G/banaadir oo amaro Amniga Muqdisho  ku saabsan soo saaray

Maamulka Gobolka Banaadir oo joojiyey dhismaha ka socda dhulka Biyaaso Liibaro ee degmadda Xamar jajab

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In