Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta warqad uu soo saaray si rasmiya ugu joojiyey dhismaha ka socda dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro ee ku yaalla aagga Ceel gaabta ee degmada Xamar jajab., Guddoomiyaha ayaa hayโadaha ay khusayso ku wargeliyey joojinta hawlaha dhismaha ee socda waxana uu tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in hantida qaranka si gaar ah looga faaโiideysto.
Maamulka degmada Xamar jajab ayaa sidoo kale la faray inay gacanta ku hayaan dhulkan uu dhismaha ka socday, waxana hayโadaha ammaanka iyagana lagu wargeliyey inay ka gutaan waajibaadkooda qaran, si loo ilaaliyo hantida danta guud.
Guddoomiye Eng. Yariisoow ayaa tilmaamay in tallaabadani ka tarjumeyso siyaasadiisa ku aaddan ilaalinta hantida danta guud, lagana daba tegi doono dhammaan dhulkii danta guud ee haatan ku jira gacanta shakhsiyaad ama looga faaโiidaysanayo dano gaar ah.
โWarqad aan ku joojinay dhismaha dhulka Biyaaso Liibaro waxay ka mid tahay siyaasadda aan ku ilaalinayno hantida qaranka, wax dulqaad ahna uma yeelan doono in danta guud looga faaโiideysto dano gaar ahโ Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.
โDhammaan Dhulka danta guud ee ka maqan gacanta dawladda waan ku raadjoogi doonaa waana ka daba-tegaynaa. Waxaa naga goโan inaan la dagaalano musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, waxana ku shaqayn doonaa hanaanka dawladnimada iyo xayndaabkiisaโ Ayuu Raaciyey Guddoomiyuhu.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo xilka si rasmi ah ula wareegay shalay, ayaa tallaabadan u qaaday si uu u ilaaliyo hantida qaranka, iyadoo muhiimaddu tahay in laga waantoobo in si gaar ah looga faaโiidaysto dhulka danta guud.












