Sunday, May 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW: Kheyre “Dabaysha is badalka ee ka socota Geeska Afrika waxay Albaabo ganacsi u furtay Soomaaliya”

caqiil by caqiil
September 9, 2018
in Wararka
0
R/W Khayre “Mas’uuliyaddu maahan oo kaliya Shaqaadaada, Waa in aad sheegtaa Waxkasta oo dhib ku ah Dawladnimadeena.”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre, ayaa  maqaal uu ku daabacay Wargayska The Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo guulaha laga gaaray siyaasadda geeska Afrika ,kaas oo uu cinwaan ugu dhigay “ Dabaysha is beddealaysa ee ka socota Geeska Afrika waxay Albaabbo ganacsi u furtay Soomaaliya”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dedaalladii ay xukuumaddu samaysay ay ka mid yihiin inay isa soo dhiibaan qaar ka mid ah horjoogayaashii Kooxda Al-Shabaab , kuwaas oo ka qayb qaadayanaya dhismaha Qaranka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay Munaasabadda howlgelinta Hey’adda (SARIS)

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay Munaasabadda howlgelinta Hey’adda (SARIS)

May 25, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xoojinta iskaashiga kala hadlay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xoojinta iskaashiga kala hadlay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.M

May 25, 2025

Wuxuu sheegay Ra’aysul wasaaruhu in ay Maalmo ka hor heshiis gaareen Jabuuti iyo Eretrea, taas oo horseedeysa in ay dib u wanaajiyaan xiriirkoodii horay u  xumaa, isagoo xusay in ay taasi daba socotay guulihii laga gaaray kulamadii ay Magaalada Asmara ku yeesheen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea.

R/wasaaraha ayaa sheegay in kulankii halkaasi ka dhacay uu astaan u yahay sida xalka ka gaarista arrimaha  Soomaaliya ay muhiim ugu tahay nabad iyo xasillooni ka dhalata Gobolka, wuxuuna intaa raaciyay inay madaxdu ku heshiiyeen in laga gudbo waxyaabihii horay u dhacay.

Mudane, Kheyre ayaa sheegay tan iyo markii ay isaga iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo xilka qabteen in ay dowladda Soomaaliya gaadhay horumar wayn oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ah.

Dhammaystirka wada xaajoodka Jabuuti iyo Eretrea ayuu sheegay R/wasaaruhu in ay u xilsaareen inuu dhammeeyo Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, si loo soo afjaro muranka dhanka xudduudaha ah ee Labadaasi dal.

Wadahadalada ka dhacay Asmara ayuu sheegay mudane Khayre in loogu tala galay in lagu xoojiyo guulaha laga gaaray wadahadalada kala duwan ee u dhexeeya hoggaamiyayaasha Saddexda dal.

Dhanka kale ra’isalwasaare Khayre Mar uu ka hadlayay howlaha nabadeed ee ka socda geeska Afrika wuxuu sheegay in dowladaha Jabuuti iyo Eretariyaba ay si diirran u soo dhaweeyaan dadaalada lagu heshiisiinayo labada dal ee dowladda Soomaaliya hormuudka ka tahay.

Tobannaan sano labadaas dal waxaa ka dhaxeeyay muran la xiriira gobolka Doumeira. Waxaana jiray dadaallo aan lagu guulaysan oo la doonayay in colaadaas lagu xaliyo, waxaana ka mid ahaa kii ay  dowladda Qatar ee sanadkii 2010kii.

Isbadaladii dhawaan dhacay waxaa ay qayb ka yihiin Tilaabooyin Dublamaasiyadeed oo Soomaaliya ay qaaday, ayuu yiri Ra’iisalwasaare Xasan Cali khayre laba bilood ka hor, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la xiriiray Ra’iisul wasaaraha Ethiopia  Abiy Axmed waxayna ka wadahadleen adkaynta iskaashiga siyaadeed iyo sidii dhidibadda loogu taagi lahaa xiriirka labada dal.

Wada hadaladii Asmara waxay dhigeen aasaas cusub oo dublamaasiyadeed. Soomaaliyana waxay si soo kordheysa u qadaneeysaa doorkeedii.

Waxaan dadaal muhim ah galinaynaa in aan door muhiim ah ka ciyaarno Nabadda iyo Amaanka dunidda, ayuu sidoo kale yiri Ra’iisal wasaare khayre.

 Ammaanka:-

Ra’iisalwasaare Khayre  wuxuu xusay muhiimada ay Soomaaliya  u leedahay qabashada  guddoonka golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Carabta taasi oo noo ogolaaneeysa ayuu yiri in aan kulanka golaha ku marti galinno Muqdisho  horaanta  2019, si aan Aduunka u ogeeysiino in aan ganacsi diyaar u nahay.”dowladeednu waxay dooneeysaa in ay la qabsato dabeeysha isbadalka  ee Geeska Africa si ay u horumarinno Amaanka gacanna uga gaysanno in xal loo helo dhibaatooyinka iyo khilaafaadka ka jira Africa,intii aan Asmaro joognay waxaan muujinay jihadda aan u jeedineeyno Dublamaasiyadeena inagoo ah wadan nabdoon oo gobal xasiloon ku yaala”.ayuu yiri Ra’iialwasaare Khayre.

 Agagixisadda

Mudane Xasan Cali Khayre mar uu ka hadlayay sida dowlada Soomaaliya dadaalka xoogga  leh ugu bixinayso in dalka laga ciribtiro argagixisaa waxaa uu yiri “dowladdeenu waxay ku dhawaaqday Cafis, kaasi oo  horseeday in hogaamiyayaal horay uga tirsanaa argagixisadda ay  ka soo baxeen si aan u dhisno Qaranka. Qurbo joogta ayaa maalgalin muhiim ah sameeyay.

Dowlad shaqayneeysa ayaan maanta leenahay Waxaan mushaarka siinaa Shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidankeena Amaanka, si aan ugu dhiiri galinno in ay aad u shaqeeyaan.

Waxaan sidoo kale soo celinay xiriirkii Wanaagsanaa ee Dunida aan la lahayn, waxaana tusaale wanaagsan u ah sida yididiilada leh ee hayadda Lacagta duida IMF-ta u soo dhawaysay isbadaladda kobcinta dhaqaalaheenna.

Rubacii hore ee 2018 Dowladdu waxay soo aruurisay dhaqli dhan $42.5 million, oo ah tii ugu badneyd. Waxaan ku joognaa wadadii deeynta nalookaga cafin lahaa.

Halhayska Dowladda Soomaaliya waa islaxisaabtan iyo Dagaal ka dhan ah Musuqa.

Soomaaliya waxay joogtaa meel ay khayradkeeda uga faa’iideeyneyso Dadkeeda.

Sidaas ayuu u qorna maqaalkii lagu daabacay Daily Nation ee  Ra’iisul wasaaraha Somaaliya mudane Xasan Cali Khayre ku faahfaahiyay Xaladda Soomaaliya iyo Isbadaladda Geeska Africa ka socda.

Previous Post

Masar waxaa ay xukuntay in ka badan 700 oo Ikhwaanul Muslimiin ah

Next Post

17 oo ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay wadanka Suudaanta Koofureed

Next Post
17 oo ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay wadanka Suudaanta Koofureed

17 oo ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay wadanka Suudaanta Koofureed

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay Munaasabadda howlgelinta Hey’adda (SARIS)

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay Munaasabadda howlgelinta Hey’adda (SARIS)

May 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xoojinta iskaashiga kala hadlay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xoojinta iskaashiga kala hadlay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.M

May 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah , xafiiskiisa Wasaaradda...

Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo hadda ka furmay Magaalada Muqdisho

Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo hadda ka furmay Magaalada Muqdisho

May 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Shir ballaaran oo u dhaxeeya Ururrada Siyaasadda ee diiwaangashan iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga...

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo furay Shirka Wadajirka Bulshada iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo furay Shirka Wadajirka Bulshada iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda

May 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Danjire Cabdixakiin Ashkir ,ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In