Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka ahna ku simaha Ra’isulwasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta oo axad ah daah-furay mashruuc dib u casriyeynta qalabka maamulka hawada Soomaaliya ka dib munaasabad ka dhacday xarunta maamulka hawada dalka.
Munaasabadaan waxaa ka qeyb-galay wasiiro iyo xilidhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya , ururadda diyaaradaha iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Sidoo kale waxaa maanta dib loo furay duulimaadyadii gudaha dalka oo 29 bishii sedexaad ee sanadkaan loo hakiyay ka hortaga faafitaan cudurka safmarka ah covid-19.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in kaliyaha 5 duulimaadyo maanta lagu bilaabay si tigaabo ah.
“Maanta waxaa baxday shan diyaaradood oo kala aaday magaalooyinka dowlad goboleedyada dalka waana tijaabo si aan uga taxadirno Qatar cudurka halista ee covid-19, ayu yiri maareeye Axmed Macalin Xasan.
Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salaad (Oomaar) ayaa sheegay in dhawaan ay soo dhameystirayaan sharuucdii lagu diwaan galin lahaa diyaaradaha iyo ruqsadaha bayloodyada dalka.
“Waxaan bilaha soo socdo rajeyneynaa inaan soo dhameystirka xeer hoosaadyada sharciga Hay’adda hadane meel fiican ayay noo marayaan,marka aan dhameyno waxaa noo suura galeyso inaan anaga diyaaradaha diwaan gelino leesine aan bixino”wasiir Oomaar
Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed guuleed ayaa sheegay in dowladda ay ahmiyad siineyso dhismaha hay’addaha dalka isla markaana loo baahanyahay in wadajir looga shaqeeyo.
“Mudadii sedexda sano ee aan joogno waxey xukumadda ka shaqeysay in ka badan kon ton sharuuc oo dhammaan lagu xoojinayo hay’addaha kala duwan ee dalka taasi oo ka turjumeysa sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’antahay dhismaha kaawayaasha dhaqaalaha dalka. Ayuu yiri Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed qadar.
Golaha wasiirkadda xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa shirkii golaha ee khamiislaha ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku ansixyay dib ufirista duulimaadyada gudaha maadaam ay hoos udhacay saameyntii cudurka covid19 ee gudaha dalka.