Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW ku-xigeenka Dalka oo Xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
July 5, 2020
in Wararka
0
RW ku-xigeenka Dalka oo Xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta xariga ka jaray xarumo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo dib u dayactir balaaran lagu sameeyay.

Dhismahan cusub ee Wasaaradda Qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa waxaa hirgeliyay Dowladda Qatar.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xarigga ka jaray xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka.

Ra’isal Wasaare ku-xigeenka JFS ayaa sheegay in talaabada lagu howlgaliyay nidaamka bixiya digniinta halis-wadareedka ay tahay guul u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in hirgalinta xaruntan ay wax weyn ka tareyso yareynta saameynta musiibooyinka ku yeeshaan goballada iyo degmooyinka dalka.

“In aan manta yeelanno xarun sii odorosta saadaalna ka bixisa halisyada soo fool leh waxey ku tusineysaa soo kabashada qaranka, manta halkii aan xogta cimiladeenna ka sugi lahayn meelo kale waxaay Dowladda Soomaaliyeed awoodeysaa in ay xoojiso u diyaar garoowgeeda halisyada yimaadda taasoo yareyneyso saameynta taban ee musiibooyinka ku yeeshaan bulshooyinkeenna” ayuu yir Md Mahdi Maxmed Guuleed, Ra’isal Wasaare kuxigeenka JMFS.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa dadaal xooggan ku bixisay sidii loo hirgalin lahaa xaruntan si loo yareeyo musiibooyinka soo noq noqda ee dalka ka dhaca sida fatahaadaha abaaraha iyo dabeylaha.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Md Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya diyaarisay hab-dhismeedka xarunta, shaqaalaha ka howl-gali lahaa iyo khubaro tababarro joogta ah siiya shaqaalaha xarunta.

Md Xamsa Saciid Xamsa waxa uu sheegay in xogta la xiriirta dhammaan halis-wadareedka oo ay horay u bixin jireen hey’ado iyo ururro aan dowli ahayn ay hadda wixi ka dambeeya laga heli doono xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka.

“Diyaarinta iyo hirgalinta xarunta kaliya kuma saabsana adeeg cusub oo la helay, hase yeeshee waxey tallaabo loo qaaday xoojinta madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliy. Annaga oo adeegsaneyna xurntaan, waxaan awood u yeelan doonnaa in innaga gacanta ku heyno xogto cimilada iyo macluumaadka la xiriiro ee dalka.” Ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in Sameynta xaruntan ay ka mid tahay guulaha sii xoojinaya madax bannaanida Soomaaliya si la mid ah soo celinta maamulka hawada Soomaaliya oo muddo dheer ka dib ku soo noqotay gacanta Dowladda Soomaaliya.

Xarunta maanta la daahfuray ayaa ka shaqeyn doonta sadaasha iyo la socodka halis wadareedka oo ay horay u bixin jireen hey’ado raacsan Qaramada Midoobay.

Tags: RW ku-xigeenka Dalka oo Xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Wasaaradda Qorsheynta qaranka+Sawirro
Previous Post

RW ku xigeenka Dalka oo daah-furay mashruuc dib ucasriyeynta Qalabka Maamulka Hawada Soomaaliya+sawirro

Next Post

Soomaaliya oo Shixnad kaalmo Agab Caafimaad ah ka heshay Midowga Yurub+Sawirro

Next Post
Soomaaliya oo Shixnad kaalmo Agab Caafimaad ah ka heshay Midowga Yurub+Sawirro

Soomaaliya oo Shixnad kaalmo Agab Caafimaad ah ka heshay Midowga Yurub+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin...

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 25, 2025
0

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada Qaran, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In