Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W ku xigeenka oo Shir gudoomiyay kulan ku Saabsan Mashriicda Horumarinta iyo Dib u dhiska Soomaaliya. SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
R/W ku xigeenka oo Shir gudoomiyay kulan ku Saabsan Mashriicda Horumarinta iyo Dib u dhiska Soomaaliya. SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah-furay shirkii xogwaraysiga ahaa ee mashruuca Horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya, sida Wasaaradaha Qorshaynta, Amniga, Maaraynta &Masiibooyinka, Maaliyada,Kaluumaysiga, Howlaha guud, Beeraha, Arrimaha Gudaha, Haweenta & Xuquuqul insaanka iyo Qaybta gargaarka dawladda. Waxaana lagu soo bandhigay shaxda wax-qabad ee mashruucyada horumarinta iyo dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ka soo qayb galayaasha u sheegay in sanadkan 2018 uu yahay sanadkii wax qabadka, loona baahan yahay guud ahaan in loo istaago sidii loo dar-dargalin lahaa howlaha horyaaala xukuumadda, sidoo kalena loo fulin lahaa mashaariicda iyo balan qaadyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxwaynaha dalka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026

“Inta aan la gaarin sanadka 2019 waan in aan soo bandhignaa howlaha aan qabanayno iyo qorshaha Horumarinta qaranka, si bulshada loogu soo bandhigo howlaha dawlada ka dibna ay ula jaan qaadaan.” Ayuu R/W Khader.

Iintaas ka dib madaxda Wasaaradda Gargaarka ayaa soo bandhigay shax ku saabsan dhismaha iyo isuduwidda arrimaha gargaarka iyo tiirarka horumarineed ee qorshaynta qaranka oo ka kooban sagaal tiir oo kala ah, Siyaasad loo dhan yahay, Amniga, Tiirka Cadaalda iyo sareyntasharciga, Koboca haqaalaha, Dhisida Hay’ado Dowladeed oo hufan, Dib u dhiska , Horumarinta Bulshada, Jinsiga iyo Xuquuqda Aadanaha iyo Dhismha Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Khader oo ka hadlayay sagaalka tiir ayaa sheegay sida shaqada loo kala leeyahay isagoo tilmaamay in wasiiradda ay khusayso ay qaataan doorkooda shir-gudoonka tiir walbo oo halkan lagu soo bandhigay, sidoo kalena waxuu ku dhiiri galiyay in ay la xisaabtamaan hay’addaha deeq bixiyayaasha ee Soomaaliya caawiya.

Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiiradii ka soo qaybgalay shirka in ay joogteeyaan shirarka loogo hadlo barnaamijyada Horumarinta iyo Qorshaynta qaranka.

Previous Post

Cutubyo ka tirsan Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya Villa Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Guddoonka aqalka sare oo heshiis la saxiixday hay’ad baarlamaanka kala shaqeysa hormarinta sharciyada.SAWIRO”

Next Post
Guddoonka aqalka sare oo heshiis la saxiixday hay’ad baarlamaanka kala shaqeysa hormarinta sharciyada.SAWIRO”

Guddoonka aqalka sare oo heshiis la saxiixday hay'ad baarlamaanka kala shaqeysa hormarinta sharciyada.SAWIRO"

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In