Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W ku xigeenka Soomaaliya “Barnaamijkan Isla xisaabtanka furan waxuu kalsooni u abuurayaa shacabka Soomaaliyeed”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
R/W ku xigeenka Soomaaliya “Barnaamijkan Isla xisaabtanka furan waxuu kalsooni u abuurayaa shacabka Soomaaliyeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, August 9, 2017…..Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu daah furayay barnaamij loogu magacdaray hab xisaabeedka Cusub ee maamulka gobolka Banaadir iyo dawladda Hoose ee Xamar.

Waxaa ka soo qayb galay Safiiro, xubno ka socday Golaha Wasiirada, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Hanti dhowraha guud, ku xigeenka madaxa Bankiga dhaxe iyo shaqaalaha gobolka Banaadir, waxaana si wayn looga dooday faa’iidooyinka laga dhaxli karo in bulshada loo soo bandhigo waxqabadka Dawladda.

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo si wayn u amaanay madaxdii soo qaban qaabisay kulan ka isla xisaabtanka furan ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay ka qaybgalka barnaamijkan kaa soo lagu soo bandhigayay dakhliga soo gala gobolka iyo meelaha lagu bixiyo, si shacabka loogu sheego adeegyada loogu qabto miisaaniyad lacageedka gobolka Banaadir. Wuxuuna tilmaamay in uu yahay mid ku dayasho mudan.

“Barnaamij kan wuxuu ka turjumayaa in bulshada gobolka Banaadir loo cadeeyo dakhliga soo gala maamulka, sidoo kalena waxuu kalsooni u abuurayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool Muqdisho” ayuu yiri ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khadar ayaa iftiimayay in dawladdu ay diyaar u tahay in ay shacabku la xisaabtamaaan si loo yareeyo musuq maasuqa, sidoo kale waxuu tilmaamay in xukuumadu ay dardargalinayso sharuuc dhowr ah kuwaa soo ka qayb qaadanaya dib u soo celinta hanaankii dawladnimo oo ay ka mid ahaayeen in la maxkamadeeyo mas’uulkii lunsada hanti Qaran.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in ujeedka kulan kan uu yahay sidii loo bari lahaa shacabka Muqdisho in ay ogaadeen dakhliga soo gala gobolka iyo goobaha lagu kharash gareeyo, uguna kalsoonaadaan dawladooda, ka dibna ay uga qayb qaataan shaqada qaranka. Ganacsatada iyo bulshada kalana ay u bixiso canshuurta ku waajibtay iyagoo dareensan waxyaabaha loogu qabanayo.

 

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta Eng: Yariisoow oo u hambalyeeyay maamulka iyo shaqaalaha shirkadda SOSTEC

Next Post

Madaxweynaha JFS oo maanta soo booqday Warbaahinta Qaranka – Dhageyso

Next Post
Madaxweynaha JFS oo maanta soo booqday Warbaahinta Qaranka – Dhageyso

Madaxweynaha JFS oo maanta soo booqday Warbaahinta Qaranka - Dhageyso

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In