Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Ku xigeenka Soomaaliya “Dhibaatooyinkii jiray waxay nabareen casharo nagu filan kuwaas oo Indhaha noo furay”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
R/W Ku xigeenka Soomaaliya “Dhibaatooyinkii jiray waxay nabareen casharo nagu filan kuwaas oo Indhaha noo furay”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ka qayb galay kalan lagu soo bandhigayay Xog laga soo aruuriyay ka qayb galayaashii shirkii Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya kaa soo ka dhacay caasimadda Muqdisho, si loola wadaago dawladda iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadda, waxaana soo qaban qaabiyay madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Waxaa xafladda ka soo qayb galay Wasiiradda Wasaaradaha,Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, Warfaafinta, Wasiir ku xigeenka Amniga, Xil-dhibaano, gudoomiyaha gobolka Benaadir, Ururadda Bulshadda iyo Khuburo ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

January 28, 2026
Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

January 28, 2026

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha,Fedaraalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Abdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa ku qeexay ahmiyadda shirkan in uu yahay habkii dawladda iyo shacabla loogu soo bandhigi lahaa xog-aruurin iyo cilmi baaris ku salaysan nidaamka dib-u-heshiisiinta dalka, waxuuna sheegay in mar kale shir lagu qaban doono magaaladda Muqdisho,si loola wadaago bulshadda natiijadda ka soo baxday shirkii dib-u-heshiisiineed ee dhawaan la qabtay, waxuuna hadalkiisa raaciyay in dhamaan Maamul Goboleedyadda lala wadaagi doono xog-aruurintan la sameeyay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa cilmi-baarista iyo xog-aruurinta la sameeyay uga mahed celiyay madaxda Wsaaraddda Arrimaha Gudaha, iyo khubaraddii ka soo shaqeysay maadaama ay ku qotonta xaaladdaha ka jira dalka, kuwaa soo loo baahan yahay in hadda wax laga qabto,si shacabku ay u dareemaan dawladnimadii ay ku haminayeen loona hirgaliyo qorshaha madaxdwaynaha Soomaaliya iyo xukuumadda ee u adeegidda Dalka,Dadka iyo Diinta.

“Intii ay socdeen dhibaatooyinkii ka jiray dalka waxaan ka baranay casharo nagu filan,kuwaa soo Indhaha noo furay,marka waa in aan danteena garanaa oo aan ka shaqeynaa midnimadda ummaddeena” ayuu yiri R/W ku xigeenka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khadar ayaa xaqiijiyay in bulshadda Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin horumar iyo wada shaqeyn, waxuuna madaxda dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyay in ay gacan siiyaan barnaamijka Dib-u-heshiisiinta dalka oo muhiimad wayn leh.

Madaxdii ka soo qayb gashay shirka ayaa si wada jira ah usoo dhaweeyay xog-aruurinta la sameeyay taasoo ku salaysan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka dadka Soomaaliyeed,waxayna u mahed celiyeen shaqalaha iyo maamulka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, maadaama muhiimad wayn siiyeen xalinta khilaafka dalkeena.

Previous Post

Jaamacadda Carabta oo qabanaysa shir dib-u-dhiska Soomaaliya ku saabsan

Next Post

Daadad iyo dhoobo ku rogmaday qeybo kamid ah Sierra Leone

Next Post
Daadad iyo dhoobo ku rogmaday qeybo kamid ah Sierra Leone

Daadad iyo dhoobo ku rogmaday qeybo kamid ah Sierra Leone

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Nairobi, caasimadda dalka...

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

January 28, 2026
0

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa maanta isku dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr...

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hoggaaminayso dadaallada Golaha Ammaanka ee...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In