Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW Ku-Xigeenka XFS oo guddoomiyay shirka Guddiga Sugidda Amniga Doorashooyinka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
RW Ku-Xigeenka XFS oo guddoomiyay shirka Guddiga Sugidda Amniga Doorashooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmaed Cumar Carteh ayaa gudoomiyay shir Guddiga Sugida Amniga Doorashooyinka ee Qaranka oo looga hadlayay qabashada doorashada Madaxweynaha. Waxaa ka soo qaybgalay Wasiirada Cadaaladda iyo Amniga, guddiga Baarlamaanka u qaabilsan doorashada Madaxweynaha, Taliyaayasha ciidanka qalabka sida, Ku-Xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, iyo Taliyaha ciidanka AMISOM.

Mudane Carteh ayaa Saraakiisha uga mahadceliyay sida ay uga soo shaqeeyeen sugida amniga doorashooyiinkii labada Aqal ee dalka ka dhacday, geesta kalena sheegay in la sii wado wada shaqeynta joogtada ah ee dhexmarta ciidamada Qaranka iyo AMISOM.

Related posts

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026

“Hawl muhiim u ah Soomaaliya ayaad qabateen dhamaantiin oo dalka u soo hoysay amaan; waxa loo baahanyahay in aad sii laba laabtaan wadashaqeynta idinka dhaxeysa si la isaga kaashado ka hortaga cadowga”.

Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa Saraakiisha kala hadlay sugida amniga Musharixiinta iyo goobta doorashada ay ka dhaceyso.

“Waxaa idinku waajiba feejignaan dheeri ah si aad u sugtaan amniga Musharixiinta iyo goobta doorashada lagu qabanayo taasoo aan idinku boorinayo in aad uga soo dhalaashaan si wanaagsan”.

Ra’iisul Wasare Ku-Xigeenka ayaa hadalkiisa ku soo gebagabeeyay baaq uu u diray shacbiga Soomaaliyeed oo uu kaga codsaday in ay ciidanka amniga la shaqeeyaan si doorashada Madaxweynaha ay ugu qabsoonto si nabad ah.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

RW Ku-Xigeenka oo ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii ciidanka ilaalada Ra’iisul Wasaaraha

Next Post

Jaaliyadda Soomaalida Karachi oo dooratay gudoomiye cusub

Next Post
Jaaliyadda Soomaalida Karachi oo dooratay gudoomiye cusub

Jaaliyadda Soomaalida Karachi oo dooratay gudoomiye cusub

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro Iyo...

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In