Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW Ku-Xigeenka XFS oo guddoomiyay shirka Guddiga Sugidda Amniga Doorashooyinka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
RW Ku-Xigeenka XFS oo guddoomiyay shirka Guddiga Sugidda Amniga Doorashooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmaed Cumar Carteh ayaa gudoomiyay shir Guddiga Sugida Amniga Doorashooyinka ee Qaranka oo looga hadlayay qabashada doorashada Madaxweynaha. Waxaa ka soo qaybgalay Wasiirada Cadaaladda iyo Amniga, guddiga Baarlamaanka u qaabilsan doorashada Madaxweynaha, Taliyaayasha ciidanka qalabka sida, Ku-Xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, iyo Taliyaha ciidanka AMISOM.

Mudane Carteh ayaa Saraakiisha uga mahadceliyay sida ay uga soo shaqeeyeen sugida amniga doorashooyiinkii labada Aqal ee dalka ka dhacday, geesta kalena sheegay in la sii wado wada shaqeynta joogtada ah ee dhexmarta ciidamada Qaranka iyo AMISOM.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

“Hawl muhiim u ah Soomaaliya ayaad qabateen dhamaantiin oo dalka u soo hoysay amaan; waxa loo baahanyahay in aad sii laba laabtaan wadashaqeynta idinka dhaxeysa si la isaga kaashado ka hortaga cadowga”.

Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa Saraakiisha kala hadlay sugida amniga Musharixiinta iyo goobta doorashada ay ka dhaceyso.

“Waxaa idinku waajiba feejignaan dheeri ah si aad u sugtaan amniga Musharixiinta iyo goobta doorashada lagu qabanayo taasoo aan idinku boorinayo in aad uga soo dhalaashaan si wanaagsan”.

Ra’iisul Wasare Ku-Xigeenka ayaa hadalkiisa ku soo gebagabeeyay baaq uu u diray shacbiga Soomaaliyeed oo uu kaga codsaday in ay ciidanka amniga la shaqeeyaan si doorashada Madaxweynaha ay ugu qabsoonto si nabad ah.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

RW Ku-Xigeenka oo ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii ciidanka ilaalada Ra’iisul Wasaaraha

Next Post

Jaaliyadda Soomaalida Karachi oo dooratay gudoomiye cusub

Next Post
Jaaliyadda Soomaalida Karachi oo dooratay gudoomiye cusub

Jaaliyadda Soomaalida Karachi oo dooratay gudoomiye cusub

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In