Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Kheyre: Waxaa tihiin halyeeyada dalka Ummaddana adinkey idin fiirineysaa

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Kheyre: Waxaa tihiin halyeeyada dalka Ummaddana adinkey idin fiirineysaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’isul wasaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan barlamaanka , wasiirka xanaanadda xoolaha iyo  sarakiil ka tirsan ciidanka  ayaa booqasho ugu   ugu tagay  qaar ka mid ah ciidanka howlgalka xaslinta Cassimadda.

Xildhibaan Cabdifirax Qaasim Maxamud oo ka mid ah xubnah dhalinyaradda ah ee ku jira  golaha Shacabka ayaa u sheegay ciidanka in aan dalka loo ogolaanin kuwa burburintiisa ka shaqeynaya, isagoo xusay in golaha shacabku ay ku garan taagan yihiin dadaalada ay waddo xukuumadda Soomaaliya ee ku aadan xasilinta dalka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Ra’iisul wasaaraha Mukeyf saaxiib lama ahan ee nolashada aad ku nooshiyiin ayuu rabaa in uu idin kula noolaado, waxa aad adinka qabtaan ayuu idin la qabaa anaga middaas ayaa ku taageereynaa,” ayuu yiri  Qaasim.

Ra’isul waaraha xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xusay in  rajada umadda Soomaaliyeed ay yihiin ciidanka isla markaana amni la’aan wax la sameyn karo ama la gaari karo aysan jirin.

“Sababta aan idin kugu yimid waa in aan idin kaga tacsiyeeyo dhibkii idin ku dhacay, aan idin sheego sababta hal bil ka badan uu qarax ugu dhicin sababta ay u yeraatay dadkii la leyn jirey sababta amni iyo kala dambeyn u bilowday in uu magaaladan ku soo laabto- waa shaqadii adinka aad qabateen,” ayuu yiri RW Kheyre.

Mudane Xasan Cali khayre ayaa ciidanka ku booriyey in ay laban  labaan   dagaalka ay kula jiraan cadowga nabad diidka ee Alshabab  isla markaana dadka shacab ah ula dhaqmaan si sharaf iyo karaamo.

“Halyeeyada dalka ayaa tihiin haddaad adinka tihiin dadka la fiirsanayay qalbigiinu waa in uu ahaado bir, shacabka marka aad la dhaqmeysaan waa in aad sharaf iyo wanaag tustaan, Al-shabaab marka aad la dhaqmeysaana bir iyo calool adeeg in aad tustaan waaye, waa in aad u dagaalantaan sidii in aad gumeysi ka xoreynaysaan dalka, Al-shabab waa cadow,” ayuu hadlkiisa ku daray RW.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay in ay Al-shabaab ay yihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed maadaama aysan kala sooceynin oo isku si u dilaan marka ay weerar ku qaadaan goobaha dadweynaha u badan yahay sida Hotelada oo kale.

 

 

Previous Post

Golaha shacabka oo ka dooday dhismaha guddiga adeega garsoorka

Next Post

Wasiirka Amniga Puntland oo shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Hay’addaha Amniga (Dhageyso).

Next Post
Puntland oo laamaha aniga ku amartay adkeynta ammaanka

Wasiirka Amniga Puntland oo shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Hay'addaha Amniga (Dhageyso).

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In