Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha Britain oo sheegay in uu ciidamo u dirayo Soomaaliya iyo South Sudan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R/wasaaraha Britain oo sheegay in uu ciidamo u dirayo Soomaaliya iyo South Sudan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaaraha Britain David Cameron ayaa xalay ku dhawaaqay inuu boqolaal askari  uu u dirayo waddamada Somaliya iyo South Sudan,

David Cameron R/wasaaraha Britain ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka qeyb qaadan doonaan la dagaallanka  xagjirnimada, iyagoo taageeraya ciidamada Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mr Cameron ayaa sheegay in 70  ka tirsan Ciidamada Milateriga ay u dirayaan Soomaaliya, si ay uga caawiyaan Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika dagaalka ka dhanka ah argagixisada Shabaab..

Waxaa uu sheegay Cameron in dalkiisu uu 300  askari u dirayo waddanka Koofurta Sudan, halkaasoo labadii sano ee u dambeeyay ay dagaallo sokeeye ka oognaayeen.

R/wasaare Cameron ayaa sheegay in doorka ciidamada uu usoo dirayo Soomaaliya uusan noqon doonin dagaalka dhulka, balse ay ku koobnaan doonaan oo kaliya tababarka iyo taageerida xagga saadka ee Ciidamada nabad ilaalinta.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa sidoo kale sheegay inay qaadan doonaan taxadar aad u weyn oo ku aadan sidii looga fikiri lahaa ammaanka iyo nabadgelyada Ciidamadan.

Ra’iisul Wasaare Cameron ayaa maanta si rasmi ugu dhawaaqaya qorshihiisan, isagoo garab fadhiya Madaxweynaha Mareykanka Obama iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ee shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ka furmaya magaalada New York ee dalka Mareykanka..

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sh. iyo Ban ki Moon oo shir guddoominaya kulan looga hadlayo xaaladda Soomaaliya

Next Post

Maalinta Cudurka Raabiyada oo laga Xusay Muqdisho”SAWIRRO”

Next Post
Maalinta Cudurka Raabiyada oo laga Xusay Muqdisho”SAWIRRO”

Maalinta Cudurka Raabiyada oo laga Xusay Muqdisho"SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In