Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha oo dhagax dhigay dhismaha xarun laga hagi doono diyaaradaha mara hawada dalkeenna

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R/wasaaraha oo dhagax dhigay dhismaha xarun laga hagi doono diyaaradaha mara hawada dalkeenna
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid ayaa manta dhagax dhigay dhismaha xarun laga hagi doono diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya taasoo aan shaqeyneyn muddo labaatan sano ka badan, isagoo dhinaca kale xarigga ka jaray Taawarka cusub ee Air borka oo dowladda Turkiga ay dhistay.

Wasiirka Gaadiidka iyo saadaasha hawada Soomaaliya mudane Cali Axmed Jaamac Jangali oo hadal kooban ka jeediyay goobta dhagax dhigga laga sameeyay ayaa waxaa uu sheegay in arintani ay qayb ka tahay horumarka uu dalkeenu ku tallaabsanayo,  waxaana uu ballan qaaday in xaruntani la dhigi doono qalab casri ah oo loo adeegsan doono maamulka hawada Soomaaliya, halka  mid kale oo laga hago diyaaradaha maraya hawadeena laga hirgalin doonto Magaalada Hargeysa.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

R/wasaaraha Jamhuuriyadda mudane Cumar Cabdirashiid ayaa bogaadiyay howsha horumarka leh ee ka socota garoonka Aadan Cadde,  waxaana uu xusay in guul weyn ay Soomaaliya u tahay in maamulka hawadeeda ay la soo wareegto,  waxaa uu intaa raaciyay in xaruntan oo kale ay dowladu ka hirgalineyso Magaalada Hargeysa si markii loo baahdo loo adeegsado.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay bur burtay dowladdii hore sanadkii 1991 dii ayaa hawada dalkeena waxaa maamulayay Qaramada Midoobay oo adeegsaneysay xarun ku taala magaalada Nairobi, Tanana waxaay qeyb ka tahay dadaallada dowladdu ay ku horumarineyso adeegyada guud ee dalka.

Previous Post

Wasiirka Howlaha Guud oo u ambabaxay dalka Talyaniga

Next Post

Fursado shaqo oo ka bannaan dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya

Next Post
Fursado shaqo oo ka bannaan dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya

Fursado shaqo oo ka bannaan dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In