Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha oo dhagax dhigay dhismaha xarun laga hagi doono diyaaradaha mara hawada dalkeenna

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R/wasaaraha oo dhagax dhigay dhismaha xarun laga hagi doono diyaaradaha mara hawada dalkeenna
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid ayaa manta dhagax dhigay dhismaha xarun laga hagi doono diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya taasoo aan shaqeyneyn muddo labaatan sano ka badan, isagoo dhinaca kale xarigga ka jaray Taawarka cusub ee Air borka oo dowladda Turkiga ay dhistay.

Wasiirka Gaadiidka iyo saadaasha hawada Soomaaliya mudane Cali Axmed Jaamac Jangali oo hadal kooban ka jeediyay goobta dhagax dhigga laga sameeyay ayaa waxaa uu sheegay in arintani ay qayb ka tahay horumarka uu dalkeenu ku tallaabsanayo,  waxaana uu ballan qaaday in xaruntani la dhigi doono qalab casri ah oo loo adeegsan doono maamulka hawada Soomaaliya, halka  mid kale oo laga hago diyaaradaha maraya hawadeena laga hirgalin doonto Magaalada Hargeysa.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

R/wasaaraha Jamhuuriyadda mudane Cumar Cabdirashiid ayaa bogaadiyay howsha horumarka leh ee ka socota garoonka Aadan Cadde,  waxaana uu xusay in guul weyn ay Soomaaliya u tahay in maamulka hawadeeda ay la soo wareegto,  waxaa uu intaa raaciyay in xaruntan oo kale ay dowladu ka hirgalineyso Magaalada Hargeysa si markii loo baahdo loo adeegsado.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay bur burtay dowladdii hore sanadkii 1991 dii ayaa hawada dalkeena waxaa maamulayay Qaramada Midoobay oo adeegsaneysay xarun ku taala magaalada Nairobi, Tanana waxaay qeyb ka tahay dadaallada dowladdu ay ku horumarineyso adeegyada guud ee dalka.

Previous Post

Wasiirka Howlaha Guud oo u ambabaxay dalka Talyaniga

Next Post

Fursado shaqo oo ka bannaan dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya

Next Post
Fursado shaqo oo ka bannaan dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya

Fursado shaqo oo ka bannaan dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In