Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha oo ganacsatada kala hadlay caawinaad deg deg ah oo la gaarsiiyo dadka ay Abaartu saameysay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R/wasaaraha oo ganacsatada kala hadlay caawinaad deg deg ah oo la gaarsiiyo dadka ay Abaartu saameysay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan ballaaran la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed iyo ururada bulshada, isaga oo kala hadlay sida ugu haboon ee gurmad deg deg ah oo lagu gaarsiin karo dadka ay abaaruhu saameynta ba’an ku yeesheen.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka dalbaday ganacsatada Soomaaliyeed inay kaalin mugleh ka qaataan taakuleynta dadkan, isaga oo xusay in guddiga gurmadka Qaran ee Abaaraha ay ku tabarucaan wixii dhaqaale ah, isla markaana ay ka mid noqdaan howlwadeenada guddiga si ay u ogaadaan habka loo maamulayo lacagahaasi.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Haddii ay jirto maalin la idiin baahan yahay, maanta ma jirto maalin la idiinkaga baahi badan yahay, waxaan idinka codsanayaa inaad si dhaqso leh ku bixisaan wixii aad awoodaan ee aad ku taakuleyn kartaan shacabka abaareysan” ayuu ku yiri R.wasaare Kheyre xubnihii ganacsatada oo ay hogaaminayeen Rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

“Haddii aad lacag abuurtaan, halkeed ku cuneysaan, haddiiba dadkiinii ay abaaro u le’anayaan, waad la socotaan shacabka Soomaaliyeed kala bar abaartu wey saameysay” ayuu mar kale yiri isaga oo tilmaamay in guddigan ay madax u yihiin dad wadaado ah oo bulshada dhexdeedana sumcad ku leh.

Ganacsatada ayaa dhankooda ballan qaaday inay bixinayaan dhaqaalo lagu taakuleeyo dadkaasi ay abaaruhu ku dhufteen, iyaga oo tilmaamay in si madax banana ay uga qeyb qaateen taakuleynta abaaraha, taana ay diyaar u yihiin inay gurmad qaran oo si wada jir ah loogu fidiyo dadkaasi u baaba’aya gaajada, haraadka iyo xanuunada.

Ugu dambeyntii, Ra’iisal Wasaaraha ayaa ballan qaaday inuu fududeynayo wax kasta oo ku xiran dhanka dowladda si loo helo gargaar gudaha iyo dibedda, isaga oo ugu baaqay dadka ku nool qurbaha inay kaalinta ugu weyn ka qaataan taakuleynta dadkaasi.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Deeq Dawo ah oo loo diray isbitaalka Cadaado+Sawirro

Next Post
Deeq Dawo ah oo loo diray isbitaalka Cadaado+Sawirro

Deeq Dawo ah oo loo diray isbitaalka Cadaado+Sawirro

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In