Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha “Waxaan saaka ka Quraacannay Galmudug, Maantana ka qadeeynay Puntland, nabadiina waa hirgashay”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R/wasaaraha “Waxaan saaka ka Quraacannay Galmudug, Maantana ka qadeeynay Puntland, nabadiina waa hirgashay”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan howlo shaqo u jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay Maamullada Puntland iyo Galmudug si loo dhamaystiro heshiiskii horey loo gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdiga la socda ayaa ugu horeyntii saaka booqasho ku tagey dhinaca Koonfureed ee degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug. Waxana soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed, halkaas oo wafdiga loogu sameeyey quraac sharafeed ay labada Maamul ku muujinayeen ka dhabaynta nabadda deegaanka.

Related posts

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026

Ra’iisul Wasaare Cumar oo goobta ka hadlay ayaa kula dardaarmay hoggaanka labada dhinac in ay hormuud u noqdaan soo celinta nabadda deegaanka iyo dhameynta khilaafaadka dadka ku dhaqan degmada Gaalkacyo ee labada Maamul.

“Dadka ku dhaqan Gaalkacyo waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale xusay in dawladda Federaalku ay mar walba taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib u heshiisiin dadka oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii la socday oo ay ka mid ahaayeen Madaxda Puntland, Jubbaland, iyo Galmudug ayaa waxaa qado sharaf loogu sameeyey dhinaca Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee Puntland, waxaana qadada kadib ay sheegeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug in ay diyaar u yihiin ka dhabaynta heshiiska Gaalkacyo ee dhawaan ay saxiixeen.

R/Wasaaraha ayaa ugu danbeyn sheegay in waqtigii dagaalku uu dhamaaday, waxa kaliya ee hadda loo baahan yahay ay tahay in dadku nabad ay helaan dibna ugu soo noqdaan guryahooda, isagoo labada Maamul kula dar-daarmay in ay mar walba xoojiyaan iskaashigooda.

“Waxa kaliya ee aan doonayno waa xaaladda oo dagta iyo dadka oo nabad ku wada noolaada. Waqtigii dagaalka waa uu dhammaaday. Geesi waxaa ah ninkii nabadda qaata, maanta Waxaan arkaysaan in aan ka soo quraacanay Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, hadana ka qadaynayno dhinaca Puntland, waana taa midda aan halkan u nimid ee ah dadku in ay is dhex galaan, nabadduna hirgasho”.

bhg kk kkk mk uj unnamed

Previous Post

Ardayda jaamacadda Jamhuuriya oo dooratay hoggaan cusub “Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay Dadkii Gaalkacyo ka barakacay in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada” War saxaafadeed+Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay Dadkii Gaalkacyo ka barakacay in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada” War saxaafadeed+Sawirro”

Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay Dadkii Gaalkacyo ka barakacay in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada" War saxaafadeed+Sawirro"

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In