Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha “Waxaan saaka ka Quraacannay Galmudug, Maantana ka qadeeynay Puntland, nabadiina waa hirgashay”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R/wasaaraha “Waxaan saaka ka Quraacannay Galmudug, Maantana ka qadeeynay Puntland, nabadiina waa hirgashay”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan howlo shaqo u jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay Maamullada Puntland iyo Galmudug si loo dhamaystiro heshiiskii horey loo gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdiga la socda ayaa ugu horeyntii saaka booqasho ku tagey dhinaca Koonfureed ee degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug. Waxana soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed, halkaas oo wafdiga loogu sameeyey quraac sharafeed ay labada Maamul ku muujinayeen ka dhabaynta nabadda deegaanka.

Related posts

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026

Ra’iisul Wasaare Cumar oo goobta ka hadlay ayaa kula dardaarmay hoggaanka labada dhinac in ay hormuud u noqdaan soo celinta nabadda deegaanka iyo dhameynta khilaafaadka dadka ku dhaqan degmada Gaalkacyo ee labada Maamul.

“Dadka ku dhaqan Gaalkacyo waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale xusay in dawladda Federaalku ay mar walba taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib u heshiisiin dadka oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii la socday oo ay ka mid ahaayeen Madaxda Puntland, Jubbaland, iyo Galmudug ayaa waxaa qado sharaf loogu sameeyey dhinaca Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee Puntland, waxaana qadada kadib ay sheegeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug in ay diyaar u yihiin ka dhabaynta heshiiska Gaalkacyo ee dhawaan ay saxiixeen.

R/Wasaaraha ayaa ugu danbeyn sheegay in waqtigii dagaalku uu dhamaaday, waxa kaliya ee hadda loo baahan yahay ay tahay in dadku nabad ay helaan dibna ugu soo noqdaan guryahooda, isagoo labada Maamul kula dar-daarmay in ay mar walba xoojiyaan iskaashigooda.

“Waxa kaliya ee aan doonayno waa xaaladda oo dagta iyo dadka oo nabad ku wada noolaada. Waqtigii dagaalka waa uu dhammaaday. Geesi waxaa ah ninkii nabadda qaata, maanta Waxaan arkaysaan in aan ka soo quraacanay Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, hadana ka qadaynayno dhinaca Puntland, waana taa midda aan halkan u nimid ee ah dadku in ay is dhex galaan, nabadduna hirgasho”.

bhg kk kkk mk uj unnamed

Previous Post

Ardayda jaamacadda Jamhuuriya oo dooratay hoggaan cusub “Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay Dadkii Gaalkacyo ka barakacay in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada” War saxaafadeed+Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay Dadkii Gaalkacyo ka barakacay in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada” War saxaafadeed+Sawirro”

Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay Dadkii Gaalkacyo ka barakacay in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada" War saxaafadeed+Sawirro"

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hoggaaminayso dadaallada Golaha Ammaanka ee...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In