Raโiisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii magaalada Washington ee dalka Mareynkanka uga soo qeyb galeen shirkii deyn cafiska Soomaaliya.
Wafdiga Raโiisal wasaaraha ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masโuuliyiin kale.
Shirarkii ugu dambeeyay ee Wafdiga Raโiisal wasaare Khayre kaga qeyb galeen magaalada Washington oo intooda badan diirada lagu saaray arrimaha dhaqaalaha,amniga iyo arrimo badan oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa wafdiga waxay kala soo hooydeen guulo wax ku ool ah.
Madaxdii ka soo qeyb gashay shirarkaasi ayaa dhammaantood waxay qireen iney diyaar u yihiin iney Soomaaliya kala hadlaan sidii lagu dhammeystiri lahaa deynta lagu leeyahay iyo cafinteeda.