Wednesday, May 25, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/Wasaare Khayre “Wadan kasta waxaa jihada wanaagsan u kaxeeya aqoon yahanka iyo siyaasiyiintiisa”

November 20, 2017
in Wararka
0
R/Wasaare Khayre “Wadan kasta waxaa jihada wanaagsan u kaxeeya aqoon yahanka iyo siyaasiyiintiisa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 20 November 2017— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali  Khayre ayaa galabta kulan kula qaatay xafiiskiisaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee (Tallo-Wadaag) oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho.

Kulan kan ayaa qayb ka ah dadaalada Xukuumaddu ku dhagaysanayso fikradaha aqoon-yahanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo sameeyo barnaamij dhamaystiran oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka dalka ka jira.

Related posts

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

May 25, 2022
Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

May 25, 2022

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horayntii ku baraarujiyey aqoonyahanada iyo xubnaha bulshada ee kulanka ka qaybgalay iney qaataan kaalintooda ku aadan dawladnimada. Mudane Khayre  waxa uu xusay in albaabada madaxda sare ee Qaranka ay u furan yihiin cid walba oo talo iyo tusaale wanaagsan ku biirineysa, isagoo uga mahadceliyey tallooyinka waxtarka leh ee ay soo gudbiyeen.

“Wadan kasta waxaa jihada wanaagsan u kaxeeya aqoon yahanka iyo siyaasiyiintiisa, maantana waxaa jira yidi-diilo fiican, marka la eego marxaladihii adkaa ee dalku soo maray, loogana soo gudbay wadatashi iyo tanaasul.”Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ugu danbayntii aqoonyahanka Soomaaliyeed ee kulanka ka qeyb galay ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha sida uu ugu dhega-nugul yahay bulshada qeybaheeda kala duwan, diyaarna ugu yahay inuu dhageysto cid walba oo dalka ku biirin karta talo wanaagsan oo wax dhiseysa.

Previous Post

Wasiir Beyle ”Miisaaniyadda waa tii ugu horeysay oo lagu daro qoondada Caafimaadka iyo waxbarashada Dadweynaha”

Next Post

Miisaaniyaddu waa muraayadda laga daawado waxqabadka dowladda.

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS”Dowladda Soomaaliya way wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al Shabaab

Miisaaniyaddu waa muraayadda laga daawado waxqabadka dowladda.

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

May 25, 2022
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa kulan muhiim ah la qaatay mas’uuliyiinta Dowladda UK oo kala...

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

May 25, 2022
0

Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Baay

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Baay

May 25, 2022
0

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheeysan...

Arday lagu laayay Mareykanka

Arday lagu laayay Mareykanka

May 25, 2022
0

Ugu yaraan 18 qof oo Arday u badan ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday dugsi hoose oo ku yaalla magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In