Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Khayrre iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si diirran loogu soo dhaweeyey Baraawe+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Khayrre iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si diirran loogu soo dhaweeyey Baraawe+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u ballaaran. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jira Maamullada dalka, si u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa qudbad dheer u jeediyey shacab aad u tiro badan oo ka qayb qaadanayey soo dhaweynta waftiga ayaa uga mahadceliyey sida sharafta leh oo ay u soo dhaweeyeen.

“Waxaan aad ugu farax sanahay sida wanaagsan oo aad noo soo dhaweyseen, Waxaana halkaan iiga muuqda sida reer Baraawe diyaar ugu yihiin dawladnimada, waxaana naga go’an inaad heshaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay,”ayuu yiri R/W Khayre.

“Baraawe waxay ahayd magaaladii aan ka dhoofay 1989kii, markii aan dalka ka baxayay waad ku mahadsantihiin martigelintiina xiligaas iyo xiligan, Magaaladani waxay qeyb ka qaadatay fidinta diinta islaamka, dadkeeduna waxay caan ku yihiin sharaf, karti, halgan iyo wax soo saar”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay shacabka magaalada Baraawe, kana codsaday madaxda Koonfur-galbeed in si deg-deg ay ugu soo guuraan magaallo madaxda maamulka oo ah degmada Baraawe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyn tilmaamay in degmada ay sii joogi doonaan qeybaha kala duwan ee Ciidamadda, isla markaana looga baahan yahay shacabku iney ka qeyb qaadaan dagaalka lagu xoreynayo deegaanada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixsada ah.

Previous Post

Shir looga hadlayay adkeynta nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo sheegay inay xoreeynayaan deegaannada Argagixisadu ku dhuumaaleysaneyso “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo sheegay inay xoreeynayaan deegaannada Argagixisadu ku dhuumaaleysaneyso “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug oo sheegay inay xoreeynayaan deegaannada Argagixisadu ku dhuumaaleysaneyso "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In