Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Khayrre oo Turkiga uga mahadceliyey taageerada kabka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Khayrre oo Turkiga uga mahadceliyey taageerada kabka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey Dowladda Turkiga oo ka dhabeysay ballanqaadkeedii ahaa inay kabto miisaaniyada Dowladda Federaalka.

Dowladda Turkiga ayaa Dowladda Federaalka ku wareejisey kabka miisaaniyada 5 bilood oo ay bishiiba kab uga dhigeyso miisaaniyada 2 milyan oo dollar. Deeqdan kabka miisaaniyada ee Dowladda Turkiga ugu talo gashay Soomaaliya ayaa lagu shubay Khasnada Dowladda Dhexe ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, tanoo la waafajinayo nidaamka Maamulka iyo Maareynta Maaliyada Dalka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey arrinkan ayaa yiri “Dowladda Turkiga waa wallaal dhab ah oo jira oo fahamsan daruufaha Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, sidaas daraadeed waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa taageeradooda kabka miisaaniyada Dowladda oo ay 5 bilood na siiyeen oo bishiiba ay tahay 2 milyan oo dollar. Tani wallow aysan dhameystireynin baahida Dowladda iyo tan shacabka, haddana waa bilow wax weyn noo tareysa.”

“Dowladda Federaalka si ay shacabka ugu sheegto xaqiiqda dhabta ah ee maaliyada ayaan iclaamineynaa inay lacagtaas na soo gaartay si shacbka uu noola xisaabtamo annagana aan uga dhabeyno ballanqaadkii ahaa inaan u adeegeyno shacabka oo aan la wadaageyno xaaladeena maaliyadeed iyadoo ay dhab naga tahay inaan hagaajino maamulka iyo maareynta maaliyada si aan shacabka uga helno kalsooni marwalba ah. Deeqdan kabka miisaaniyada ahna waxaan khasnada dowladda ugu shubnay waa in shacabka ay si toos ah noola xisaabtamaan oo aan tusaale fiican u noqono si dalka loo gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo.” RW Khayre ayaa sidan yiri

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii yiri “in kabka miisaaniyada Turkiga aysan wada dabooleynin baahida guud ee miisaaniyada, haddana waa bilow, waxaana ka codsaneynaa wallaalaha beesha caalamka inay sidoo kale kaalintooda ka qaataan kabka miisaaniyada inta ay dowladdu ka gaareyso isku filaansho dhanka dhaqaalaha ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo qadka telefoonka kula hadlay Madaxweyne Erdogan ayaa ugu hambalyeeyey guushii aftida shacabka turkiga. Madaxweyne Erdogan ayaa isna dhankiisa u sheegay Madaxweyne Farmaajo in Dowladda iyo Shacabka Turkigu ay mar waliba garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, Turkiguna uu yahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ay isku halleyn karto. Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyn Allah uga baryay Soomaaliya in uu ka dulqaado abaaraha iyo colaadda.

Previous Post

Dhageeyso: Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha

Next Post

Dowladda Federaalka oo Imaaraadka uga mahadcelisay gurmadka Abaaraha dalka+Sawirro

Next Post
Dowladda Federaalka oo Imaaraadka uga mahadcelisay  gurmadka Abaaraha dalka+Sawirro

Dowladda Federaalka oo Imaaraadka uga mahadcelisay gurmadka Abaaraha dalka+Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In