Monday, January 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/Wasaare Kheyre “Shaqadu waa nolosha iyo sumacada qofka, waana furaha hurumarka bani’aadamka”

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
R/Wasaare Kheyre “Shaqadu waa nolosha iyo sumacada qofka, waana furaha hurumarka bani’aadamka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa munaasabada 1da May, 2017 oo ah maalinta shaqaalaha Adduunka ugu hambalyeeyey dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha adduunka u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah dhaqaalaha iyo horumarka dalka guud ahaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarahu.

Related posts

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

January 5, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

January 5, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa iftiimiyey qiimaha weyn ee ay ummadda u leedahay shaqada iyo wax soo saarka shaqaalaha, dawladuna ay ahmiyad siinayso in munaasadaan shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku xusaan dabaal dagyo ka turjumaya dareenkooda si ay u muujiyaan muhiimadda shaqada iyo shaqaalaha.

“Shaqadu waa nolosha iyo sumacada qofka, waa furaha hurumarka bani’aadamka. Bulsho kasta sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ayay uga horeysaa, taas waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan. Hadii aaney shaqo jirin horumar iyo mustaqbal ma jiri karo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay dadaalka Dawladda Soomaaliyeed ugu jirto inay abuurto shaqooyin, iyadoo laga faa’idaysanayo xoogga shaqaalaha ee diyaarka ah. Waxaana uu tilmaamay baahida loo qabo aqoonyahanka iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed. Isagoo ummadda ku baraarujiyay inay sameeyaan aqoon kororsi ayna bartaan xirfadaha shaqo ee xiligan loo baahan yahay.

__DHAMMAAD___

Previous Post

Baarlamaanka Federaalka Oo Abaal Marinno Guddoon Siiyey Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul wasaaraha qeyb galay munaasabadda maalinta shaqaalaha aduunka-Sawirro

Next Post
Ra’iisul wasaaraha qeyb galay munaasabadda maalinta shaqaalaha aduunka-Sawirro

Ra’iisul wasaaraha qeyb galay munaasabadda maalinta shaqaalaha aduunka-Sawirro

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

January 5, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

January 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigay warbixin rasmi ah oo ku...

Somali FM Discusses with Indonesian Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Somali FM Discusses with Indonesian Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

January 5, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Monday with his...

Minister of Information Inaugurates Modernized Radio Mogadishu Studios

Minister of Information Inaugurates Modernized Radio Mogadishu Studios

January 5, 2026
0

The Minister of Information, Culture and Tourism of the Federal Republic of Somalia, Mr. Daud Aweis Jama, on Sunday officially...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In