R/wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, wasiirka haweenka iyo xuquuqul Insaanka iyo danjirayaasha qaar ka mid ah wadamada caalamka u fadhiya Soomaaliya ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu dabaaldegayay maalinta ay wadamada Muslimiintu u aqoonsadeen maalinta agoonta oo ku beegan 15-ka bisha Ramadaan oo maanta ah ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Wakiilka ururka iskaashiga Islaamka u jooga Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ururkoodu uu sameyn doono dallad ay ku mideysanyihiin agoonta Soomaaliyeed si wax loogu qabto loona horumariyo noloshooda.
Mudane Maxamed Cumar Carte R/wasaare ku xigeenka dalka oo munaasabadda ka hadlay ayaa hambalyo u diray agoonta Soomaaliyeed iyo kuwa wadamada Islaamka, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleeyso sidii ay daryeel joogto ah u heli lahaayeen agoonta Soomaaliyeed isagoo hoosta ka xariiqay iney xukuumaddu dejin doonto qorshe ay daryeel joogta ah ugu sameeyneyso caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah, iyadoo damaanad qaadaya xuquuqda ay agoontu leeyihiin oo dhameystiran.
Waddamada islaamka ayaa 15-ka Ramadan u aqoonsaday maalinta aqoonta islaamka iyagoo sanad kasta maanta oo kale qabta munaasabado lagu weyneynayo maalintan.