Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku xigeenka dalka oo xarigga ka jaray xarunta JOCC oo la dayactiray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka dalka oo xarigga ka jaray xarunta JOCC oo la dayactiray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaare ku xigeenka dalka ayaa xarigga ka jaray xafiis cusub oo loo sameeyay howlgalka ciidamada wadajirka ah ee JOCC.

Munaasab balaaran oo lagu maamuusayay furitaanka xarunta cusub ee JOCC ayaa waxaa ka qeybgalay R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte. Wasiirka amniga gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga, taliyaha ciidanka Asluubta, abaanduulaha ciidanka XDS, gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca siyaasadda iyo amniga, saraakiil ciidan iyo Danjirayaasha wadamada UK iyo Sweden.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

R/wasaare ku xigeenka ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka XDS iyo kooxda Bambeyda, iyadoo heeso wadani ah oo aad u qiiro badan ay halkaasi ku soo bandhigay koox fanaaniin ah.

R/wasaare ku xigeenka ayaa ku soo wareegay qeybaha ay ka koobanyahay xaruntaasi cusub ee loo diyaariyay JOCC, isagoo warbixin ku saabsan waxqadka xafiisyaasi ka dhageystay saraakiisha kala duwan ee JOCC.

Danjiraha dowadda UK ee dalkeena Soomaaliya oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in dowladda Britain ay kaalin wax ku ool ah ka qaadatay diyaarinta xarunta JOCC, iyadooย  rajeeysay in howlgalka JOCC uu ku baaho gobollada kala duwan ee dalka.

R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte oo isagu xarigga ka jaray xaruntaasi ayaa ku amaanay dowladaha Britain iyo Sweden doorka ay ka qaateen diyaarinta xafiiskan, isagoo hoosta ka xariiqay in howlgallada wada jiraka ah ee JOCC ay gacan ka geysan doonaan adkeynta amniga caasimadda dalka ee Muqdisho.

DSC07755 DSC07756 DSC07761 DSC07762 DSC07763 DSC07768 DSC07772 DSC07773 DSC07774 DSC07775 DSC07781 DSC07782 DSC07786 DSC07787 DSC07788 DSC07790 DSC07791 DSC07792 DSC07794 DSC07796 DSC07797 DSC07801 DSC07802 DSC07803 DSC07804 DSC07805

Previous Post

Wafdi ka socda Soomaaliya oo ka qayb galey shirka Waddamada Faqriga Viena,Austria

Next Post

Wariye Hindiyo Xaaji oo ka howl-gasha Warbaahinta Dowladda ayaa Muqdisho Lagu Dhaawacay

Next Post
Wariye Hindiyo Xaaji oo ka howl-gasha Warbaahinta Dowladda ayaa Muqdisho Lagu Dhaawacay

Wariye Hindiyo Xaaji oo ka howl-gasha Warbaahinta Dowladda ayaa Muqdisho Lagu Dhaawacay

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

๐‘๐š,๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐—๐‰๐…๐’  ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐„๐ฅ ๐๐ข๐งฬƒ๐จ

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In