Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku xigeenka oo Booqasho Shaqo ku Jooga dalka Maraykanka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka oo Booqasho Shaqo ku Jooga dalka Maraykanka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare xigeenka DFS Md. Maxamed Cumar Carteh oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa kulamo la yeeshay madax ka tirsan dawladda Maraykanka, Bangiga Adduunka, US AID iyo hay’addo kale oo caalamiya. Dhinaca dawladda Maraykanka, Md. Maxamed Cumar waxa uu la kulmay madax iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Difaaca ee dalka Maraykanka.

Md. Maxamed Cumar Carte ayaa booqashadiisu la xiriirtay shir sanadeed uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka isla markaana lagaga hadlayay arimo ku aadan dawladaha ka soo kabanaya deganaansho la’aanta (Fragility Forum 2016).
Md. Maxamed Cumar, oo shirkaasi ka jeediyay warbixin ku aadan Soomaaliya, ayaa ka waramay isbadallada dhinaca siyaasada, amniga, dhaqaalaha, waxqabadka iyo hiigisga DFS iyo dhibaatooynka horyaal ee loo baahan yahay in wax laga qabto.

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

Waxa kale oo uu Md. Maxamed Cumar ka qeyb galay xaflad casho oo ay Safaaradda Soomaaliya ee dalkan Marakaynku u samaysay. Xafladaasi oo ay isugu yimaaden Safiiro, diblomaasiyiin, iyo hay’addo Caalami ah, iyada oo lagu qabtay habeenkii Khamiista ee bishan Maarso 3, Hoteelka Caalamiga ah ee Mayflower.

Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sidoo kale warbixin uu ka jeediyay xafladaasi soo dhaweynta kaga hadlay waxqabadka dawladda iyo dhabaatooyinka horyaala . Md. Maxamed ayaa inta aanu ka ambabixin magaalada Washington la kulmi doona bulsho weynta Soomaaliyeed , ee magaalada Washington iyo agagaarkeeda deggan.

Md. Maxamed Cumar oo lagu wado in uu safar ku tago magaalada New York, ee xarunta Qaramada Midoobay, halkaasi oo uu kulamo kula yeelan doonno madax ka tirsan Qaramada Midoobay.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed

Previous Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Waldo

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In