R/wasaare ku xigeenka ahna ku simaha R/wasaaraha dalka mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda F. S. ay ka hortageyso kooxaha dadka tahriibiya, isagoo hey’adaha ammaanka ku amray iney bur buriyaan shabakadaha dadka tahriibiya.
Sidoo kale R/wasaare ku xigeenka ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in la abuurayo unig ka tirsan hey’adaha ammaanka oo qaabilsan ka hortagga shabakadaha dadka tahriibiya, kaasoo bar tilmaameedsan doona meelaha ay kooxahaasi dadka ka kaxeeyaan.
R/wasaare ku xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa xusay in dalka Masar lagu qabtay ilaa 200 oo Soomaali ah oo isu diyaarinayay iney badda ku tahriibaan.
Wasaaradaha warfaafinta, Waxbarashada, amniga iyo Awqaafta ayuu ku wargeliyay iney sameeyaan barnaamijyo dadka looga wacyigelinayo dhibaatada tahriibka.
Dhinaca kale R/wasaare ku xigeenka ayaa shirkiisa jaraa’iid ku sheegay in dowladdu tayeeyn doonto baasaboorka Soomaaliga ah si ay dadka ugu fududaato iney u safraan waddamada dunida. loona yareeyo dhibaatda tahriibka.
Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka iney gacan ka geystaan sidii dhalinyarada Soomaaliyeed shaqooyin loogu abuuri lahaa, si aysan ugu dhiirran tahriibka.
ugu dambeynti mudane Carte ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku boorriyay iney ka joogaan tahriibka oo aysan naftooda ku halligin badaha, isagoo tilmaamay in dowladdu ku dadaali doonto sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.