Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku xigeenka oo maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday IGAD+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka oo maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday IGAD+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka urrur goboleedka IGAD u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Afey, kulanka oo looga hadlay maamul u sameeynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ayaa waxaa kasoo qeybgaleen qaarkamid ah xubnaha golaha Wasiirada.

Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa sheegay in laga maarmaan ay tahay in labada gobol ay yeeshaan maamul ay shacabka raali ka yihiin doorashooyinka dalka ka hor.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

‘’Dadka dega Hiiraan iyo Shabeelada dhexe wax xaq u leeyihiin in ay yeeshaan maamul ku yimaada rabitaankooda inta aan la gaarin doorashooyinka, si dadkaasi ay qeybtooda uga qaataan doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan, islamarkaana dadka ku nool labada gobol ay ka helaan dowladda dhexe caawinaada iyo adeegyada ay helaan maamulada kale ee dalka ka jira’’.

Mudane Carteh ayaa sheegay in howlaha fududeynta ah ee maamul u sameynta labada gobol ay xukuumadda u xilsaaraty kana caawin doonaan urrur goboleedka IGAD, wuxuuna ku booriyay wakiilka IGAD ee Soomaaliya Mudane Maxamed Afey in sida uga dhaqsiyaha badan loo bilaabo howlaha maamul u sameynta ee Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

‘’Xukuumaddu waxey u xilsaartay fududeynta howlaha maamul u sameynta labada gobol urrur goboleedka IGAD, waxaana ku boorinayaa in IGAD ay sida uga dhaqsiyaha badan u bilawdo maamul u sameynta labada gobol ayadoo caawin doonta garabna istaagi doonta Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka’’

Ugu dambeyntii Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Mudane Carteh ayaa ku dhawaaqay in 3 bisha September la bilaabi doono shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

unnamed (1) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Previous Post

R/wasaare ku xigeenki W/Kuuriya oo la toogtay kaddib markii uu amray madaxweynaha dalkaasi

Next Post

R/wasaare ku xigeenka oo la kulamay Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo taliyaha AMISOM+Sawirro

Next Post
R/wasaare ku xigeenka oo la kulamay Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo taliyaha AMISOM+Sawirro

R/wasaare ku xigeenka oo la kulamay Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo taliyaha AMISOM+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In