Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Xasan Kheyre oo Dad weyne Badan la dukaday Salaad Roob Doon ah (SAWIRRO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Xasan Kheyre oo Dad weyne Badan la dukaday Salaad Roob Doon ah (SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, wasiirka wasaaradda Diinta iyo Owqaafta C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan ayaa maanta Dadweyne Badan Salaada Roob doon ah kula dukaday Banaanka hore ee Masaajidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdiaho.

Sidoo kale Dukashada Salaada waxaa ka soo qaybgalay Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn sida Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Sheekh Cali Dheere iyo Mashaa’iq kale oo badan.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Ardayda Dugsiyada Qur’aanka ayaa la’arkayay iyagoo Madaxa ku sita Looxdii ay Quraanka ku dhiganayeen Allana ka Baryayay inuu u naxariisto dadka Soomaaliyeed oo uu siiyo Raxmadiisa, kana dul qaado Abaaraha ka jira Dalka.

Markii Salaada Roob doonka la dukaday ayaa waxaa Duceeyay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwaas oo sheegay sidoo kale in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay Alle u toobad keenaan.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Owqaafta dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa dhankiisa sheegay in Abaartaan ay ku timid danbi ay galeen dadka Soomaaliyeed, haatana looga bixi karo oo kaliya in lees Cafiyo.

R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo asna gaba gabadii la hadlay dadka ka soo qaybgalay Salaada Roob doonka ayaa tilmaamay in Abaaraha ka jira dalka ay la xariiraan Musuq maasuqa iyo Qabyaalada Baahsan eek a jira dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhexdooda.

“Waxaan idiin balan qaadaynaa aniga iyo Madaxweynahaba inaan la dagaalami doono Musuq maasuqa iyo Qabyaalada, si looga gudbo dhibaatooyinka hada jira.” Ayuu yiri Mudane khayre.

R/wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay dhexdooda isku gurmadaan oo ay isku naxariistaan, maadaama Abaartu haatan ay xoolo beel ku riday dad badan oo soo maaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa horay u iclaamiyay in maanta oo Talaado ah dalka oo dhan laga dukado Salaad Roob doon ah iyadoo Alle laga baryayo inuu naga saaro Abaarta noona gar gaaro.

Previous Post

Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo xaalad nolol-xumo ka cabanaya

Next Post

Raysul Wasaare Khayre oo qadka telefoonka uga qayb galay xaflad lagu taageerayay oo Suudaan ka dhacday ”SAWIRO”

Next Post
Raysul Wasaare Khayre oo qadka telefoonka uga qayb galay xaflad lagu taageerayay oo Suudaan ka dhacday ”SAWIRO”

Raysul Wasaare Khayre oo qadka telefoonka uga qayb galay xaflad lagu taageerayay oo Suudaan ka dhacday ''SAWIRO''

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In