Ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron ayaa sheegay inuu maanta si rasmi ah u bannaynaya xifiiska looga arrimiyo dalkaasi.
Mr; Cameron ayaa go’aankan gaaray dhawaan markii ay shacabka dalkiisa inta badan u codeeyeey iney Britain ka baxdo midowga Yurub oo ay ka mid ahayd muddo ka badan 40 sano.
Ra’iisul wasaare David Cameron ayaa xilka hayay tan iyo 2010-kii, isagoo dhawaan ku guuleystay doorashada labaad ee dalkaasi ka dhacday.
Theresa Mary May,oo ahayd Wasiirkii arrimaha gudaha dalka Britain oo ka tirsan xisbiga talada haya ee conservative-ka, ayaa loollan qabasha xafiiska ah kaga guulaysatay wasiirka tamarta Britain Andrea Leadsom,waxaana la filayaa iney gelinka dambe ee maanta la wareegto xilkan Ra’iisul wasaare nimo.