Friday, May 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

S.Y.L “Horseedkii Guusha”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 29, 2019
in Maqaallo, Wararka
0
S.Y.L “Horseedkii Guusha”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Asaaskii xisbigii Legada (SYL) oo Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbanaanida,waxay guud ahaan dadka Soomaaliyeed u ahayd daruur roobaad oo dushooda ka hillaacday. SYL waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah “Somali Youth League”, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah “Lega dei giovani Somali”.

15 May sanadkii 1943-dii ayay ahayd  xilligii ay usuurtagashay 13-kii ee dhalinyarada Soomaaliyeed inay dhibada u taagan xisbigii la magac baxay SYC {Somali Youth Club}ama ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo markii dambe u xuubsiibtay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL {Somali Youth League}, sanadkii 1947-dii bishii Mayayaa ururka SYL si rasmi ah magacaasi u qaatay:

Related posts

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025

SYL sidee ku aasaasantay?

Horaantii sanadkii 1943-kii ayaa waxaa sheekaystay sida ay taariikhyahannadu sheegeen C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharma’arke oo rag saaxiibo ah oo si weyn isugu xirnaa, islana socon jiray mar kasta, waxay ka wahadleen sidii Ummadda Soomaaliyeed uga bixi laheyd nidaamkii gumeysiga.

Labadaas nin ee dhalinyarada ahaa waxay  da’dooda xilligaasi ahayd 24-sano iyo 26-sano, waxay muddo ka sheekaysanayeen sidii bal gumeystaha looga xoroobi lahaa, waxaana C/qadir Sheekh Sakhaawadiin uu soo jeediyay fikir ahaa in la aasaaso xibsi Islaami ah oo dadka mideeya, isla markaasna ka saara gumeysiga, laakiin Yaasin Xaaji Cismaan ayaa wuxuu soo jeediyay fikir kale oo ahaa in xisbiga laga dhigo mid siyaasi ah oo shacabka oo dhan matala.

Ka dib wahadaladii labada nin ee dhalinyarada ah waxaa ku soo biiray dhalinyaro kale, waxaana la isku raacay in la dhiso Gole ama naadi dhalinyaro oo ay isku bartaan dhalinyarada, isla markaasna dhalinyaradu wax isku baraan, iyadoo la baranayo luqadda Ingiriiska oo xilligaasi aheyd mid ku cusbeyd gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Kulankaasi dhalinyarada waxay isla garteen in la dhiso Gole dhalinyaro inta laga gaarayo waqti ku haboon in la dhiso xisbi siyaasi ah, waxaana la dhisay Golaha dhalinyarada Soomaaliyeed SYC Somali Youth Club), waxaana xilligaasi ay  ahayd 15-kii May ee sanadkii 1943-dii, wuxuuna kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aasaasayaasha xisbigaasi ay isku raaceen 3-qodob oo kala ahaa:

1-In xukuumadda Ingriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku doonayaan inay furtaan naadi la yiraahdo SYC (Somali Youth Club) oo ay dhalinyarada ku kulanto.

2-In la kireeyo guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah, soona jiidan kara dhalinyarada.

3- In la dejiyo barnaamij ku meel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaanna u ah howlaha dhaliyarada.

Markii ay qoreen codsigii ayey 13-kii dhalinyaro waxay tageen xafiiskii xaakimkii isticmaarka ee Ingriiska u fadhiyey magaalada Muqdisho, waxayna u gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalintaasi ay qabeen in fekerkooda guuleysan doono, halka qaarna ay qabeen inay xarig muteysan doonaan iskaba daaye in codsigoodu u hirgalo, laakiin wuxuu ugu jawaabay oraahdii caanka baxday ee aheyd:
“Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan, waxaana hubaal ah inaadan kuwada hishiin karin feker iyo ra’yi toona, anniga waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo ari xero lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan”, hase yeeshee dhalintii 13-ka aheyd oo aan hadal kulul ku celin karin madaxa gumeystaha ayaa ugu jawaabay hadalkan “Hadalkaaga waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano, waxaana barbaarin doonaa dhurwaayada, si aysan ariga u cunin, mana fogaan doonto inaad aragto annagoo ku wada nool naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin”.

Maalmo ayey jawaab ka sugayeen ka dibna waxaa la soo gaarsiiyay warqad lagu xusay in Ingriisku uu hadda ku jiro dagaal uusanna u baahneyn in siyaasadda la farageliyo, balse loo ogolaaday inay furtaan naadi dhalinta ay ku kulmaan waxna ku bartaan.

Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hogaamin laheyd naadiga, waxaana Guddoomiye loo doortay C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin, halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur {Siidii} loo doortay iyaguna ku xigeeno, iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaan loo doortay Xoghaye.

Laga soo bilaabo sanadkii 1943-dii waxaa xisbiga SYL laga furay gobolada dalka Soomaaliya oo idil, waxaana sii kordhay taageerada uu helayo, taasi oo aheyd mid ay u dhanyihiin Ummadda Soomaaliyeed sida qaybaha Odayaasha, Culima’udiinka, Dhalinyarada, Haweenka, iyo Ganacsatada.

Bishii Maajo ee sanadkii 1947-dii ayaa waxaa la go’aansaday in isbedel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awooddiisa, sababahan soo socda awgood xisbiga oo xidideystay oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin, damaca gumeystayaasha Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayay in loo soo celiyo maamulkiisii iyo axsaab Soomaali ah oo ku saleysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo xisbiga laga horkeenay.

Goor dambe oo xisbigii uu meel fiican gaarsiiyey halgankiisii gobanimo doonka ayaa waxaa geeriyooday xoghayihii xisbiga Alaha u naxariistee Yaasin Xaaji Cusmaan Sharma’arke, waxaana uu ku dardaarmay in jagadiisii loo magacaabo halgame C/laahi Ciise Max’uud oo xilligaasi ahaa wakiilkii SYL ee magaalada Baladweyne, isagoo xilkaasi hayey ilaa iyo SYL ay keentay guusha xoriyadda Ummadda Soomaaliyeed.

Allaha u naxariisto Cabdullaahi Ciise Maxamuud

Guushii halgankii waxaa la gaaray 1-da July ee sandkii 1960-kii markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah midoobeen ayna dhiseen Jamhuuriyadd 1aad ee Soomaaliya.

Aasaasayaashii S.Y.L waxay kala ahaayeen:-

1.C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, waxa uu ku dhashay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919-kii, wuxuuna xilligaasi wuuxu jiray 24-sano.

2-Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, waxa uu ku dhashay magaalada Mareeg oo ka tirsan gobolka Galguduud sanadku markuu ahaa 1915-kii, xilligaasi wuxuu jiray 28-san

3.Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuuna jiray 26-sano.

4.Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuu jiray 26-sano.

5.Cismaan Geedi Raage waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.

6.Dheere Xaaji Dheere waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka sanadkii 1926-kii, xilligaasi wuxuu jiray 17-sano.

7.Daahir Xaaji Cusmaan waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.

8-Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1927-kii, xilligaasi wuxuu jiray 24-sano.

9-Maxamed Cali Nuur waxa uu ku dhashay degmada Shangaani ee ka tirsan Gobolka Banaadir sanadkii 1927-kii, xilligaasi wuxuu jiray 16-sano.

10-Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan gobolka Galgaduud sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.

11-Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1918-kii, xilligaasi wuxuu jiray 25-sano.

12-Huudoow Macalin Cabdulle waxa uu ku dhashay degmada Mareeray ee gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926-kii, xilligaasi wuxuu jiray 17-sano.

13-Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay degmada Baardheere ee gobolka Gedo sanadkii 1910-kii, xilligaasi wuxuu jiray 33-sano.

Waxaa ururkii SYL 1943ii Xoghaye guud u doortay mudane C/laahi Ciise Max’uud oo  oo markii danbe noqday Ra’isul wasaarihii Xukuumaddii daakhaliga ahayd ee 1956dii- 1960kii,ururkii SYL wuxuu shaaca ka qaaday qorshihihiisii siyaasadeed, waxaana uu sheegay inuu u taaganyahay xornimo gaarsiinta Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo xilligaasi Soomaaliya ay u qeybsaneyd 5-gobol oo gacanta ay ku hayeen gumeystayaashii reer Yurub.

13-kii dhalinyaro ee SYL waxay shideen iftiin gobanimo doon ah, waxaana hoosta ay ka xariiqeen in Ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto inay hesho gobanimo taam ah iyo midnimo, dhalinyaraasi SYL waxay xoogga saareen inay mideeyaan shacabka Soomaaliyeed si looga hortago gumeysiga, iyagoo aaminsanaa haddii la helo midnimo laga guuleysan doono gumeysiga, isla markaasina waxaa quluubtooddii ku weynayd waddaniyadda oo ay wax walba ay ka hormsiin jireen si ay ku gaaraan ujeedooyinkoodii ku xusnaa dastuurka xisbiga SYL oo ahaa in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiyo xornimo taam ah iyo midnimo.

Hase yeeshee SYL waxaa la soo gudboonaaday turaanturooyin badan iyo hagardaamooyin badan oo la doonayey in lagu wiiqo ujeedooyinkooda gobanimo doon, waxaana ay taasi kaga gudbeen isku duubni, hal adeyg, aqoon, iyo dadaal kasta oo ay ku gaari karaan inay ku mideeyaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo badi dadkii Soomaaliyeed ay xilligaasi si weyn ugu bisleyn qiimaha xornimada, laakiin waxaa quluubtooda arrintaasi ku shubay xisbigii SYL oo si weyn ugu dedaalay in Soomaalida laga dhaadhiciyo qiimaha xornimada ay leedahay.

Intii uu socday halgankii ay hormoodka ka ahaayeen SYL ee baadi goobka xornimada Ummadda Soomaaliyeed waxaa jiray dad tiro yar oo Soomaali ah oo la dhacsanaa ku hoos jirka heeryada gumeystaha, waxaana dadkaasi ay ku xirnaayeen nidaamkii gumaystaha.

Dadkaasi gumeysi kalkaalka ahaa waxay qaarkood ku biireen xisbigii SYL si ay u kala dhantaalaan orodkii ama ruclihii loogu jiray xornimo gaarsiinta Ummadda Soomaaliyeed.

Cali Xuseen Xirsi oo ahaa ninkii Xisbihii SYL u qaabilsanaa dhanka suugaanta wacyigalinta  wuxuu gabayadii uu tiriyey ku muujin jiray inay SYL ay ka mid yihiin dad doonaya inay taraantureeyaan`dadaalka xisbiga, waana halka ay murti Soomaaliyeed ka tiri “Baadida nin baa kula daydayi daalna kaa badane inaad heshana aan doonahayn daa’in abidkaaye”.

Dhanka kale madaxii qoraalada u qaabilsanaa xisbiga Axmed Xaaji Suleymaan oo ayaa mar uu ka hadlay shir ay lahaayeen golihii xisbiga SYL, wuxuu ku sheegay in xisbiga ay ka mid yihiin dad diidan in xisbiga ku guuleysto ujeedooyinkiisa ku aadan xornimo gaarsiinta Ummadda Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in xisbigii SYL uu kaalinta ugu ballaaran ku lahaa hanashadii xornimada ee sanadkii 1960-kii, inkastoo ujeedooyinkii dhalinyaradii 13-ka ahaa ee SYL aan weli la gaarin 59-sano ka dib, balse Soomaaliya waa dal madaxbanaan oo ka mid ah Qaramada midoobay iyo ururada kale ee caalamka.

Gunaanadka Qormada maxaan ka baran karnaa halgankii guulaystay ee dhallinyaradii S.Y.L?, Waxaan ka baran karnaa wadaniyad iyo dal jacayl ku dhisan Soomaalinnimo, waxaa kale oo ka baran karnaa qiimaha midnimada iyo wadajirku leeyihiin iyo inay guusha ay gaareen ay u suurtagalisay inay lahaayeen hammi sare  iyo dareen keenadiid

W/D:- Abukar Gobdoon

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo ka qeybgalay aaska Guddoomiyihii Maxakamadda sare ee Puntland “SAWIRRO’

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya "SAWIRRO"

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
0

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah...

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

May 9, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa horumar ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In