Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saamaynta Abaarta oo korortay deegaannada gobolka Galgaduud

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
FAALO: Go’doominta Al-shabaab iyo Gaajada Shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saamaynta abaarta ka jirta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa marba marka ka dambeeysa sii badanaysa, waxaana kordhaya dhibaatooyinka nololeed ee ka dhalanaya.

Deegaanda, Docoley, Dhagruur, Kaxandho, Qofsaar iyo Laasa-barin oo hoos yimaada degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa bulshada ku nool waxaa ka soo yeeraya cabasho lixaad leh oo la xiriirta dhibaatooyinka ka dhashay abaarta.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

Nacfigii xoolaha laga heli jiray oo meesha ka baxay ayaa dadka ku keentay xaalad nafaqo dari, waxaana jira dad xoolihii ka dhamaadeen oo tuulooyinka iyo maagaalooyinka soo galay sida uu Radio Muqdisho u sheegay Xassan Cusmaan Ciid oo ka mid ah xoola dhaqatada degan deegaanka Laasa-barin oo Cadaado hoos yimaada.

Waxa uu sheegay in ay hadda u cabsi qabaan nolosha dadka haddii aan la helin gurmad beni’aadannimo oo deg deg ah, waxaana meelaha qaar ka jira cuduro ay ka mid yihiin shuban biyoodka iyo Jadeecada.

Inta badan gobolada dalka ayaan helin xilli roobaadka Dayrta, balse deegaanada gobolka Galgaduud ka tirsan ayaa iyaga waxaa u sii dheer inaysan sidoo kale helin Gugii ka sii horeeyay.

Previous Post

Qoysas abaarta ka soo barakacay oo deeq raashin ah loogu qeybiyay degmada Kaxda

Next Post

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni hambalyo u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni hambalyo u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni hambalyo u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In