Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya oo ka hadlay xallinta Baarlamaanka Jubba

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shir lagu soo xulayo xildhibaanada maamulka Jubba oo Kismaayo ka furmaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska waxay soo dhoweynayaan horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray geedi-socodka maamul samaynta ee Jubba.

β€œWaxaan soo dhoweynaynaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ku dhiirri-gelinaynaa Maamulka Ku-Meelgaarka Jubba iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay si waxtar leh uga shaqeeyaan sidii lagu xallin lahaa wax kasta oo ka dhasha geedi-socodka baarlamaan goboleedka Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba (IJA), laguna xalliyo wadahadal iyo wadatashi.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Caqabadaha hadda taagan ee la xiriira dhismaha Golaha Barlamaanka Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Jubba waa in lagu wajaho qaab dib-u-heshiisiin iyo isu-tanaasul ku dheehanyihiin.

Guddiga Wasiirada ee uu Ra’iisal Wasaaruhu sameeyay isagoo ka wakil ah Dowladda Federaalka si uu uga tala bixiyo xalka waa tallaabo wax ku ool ah. Waxaan soo dhoweynaynaa tallaabadan muhimka ah ee horey loo qaaday.

Waxaan dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso ku dhiirrigelinaynaa inay waqti siiyaan Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnaha guddiga si ay hawshooda u gutaan iyo in guddiga lala yeesho wadashaqaynta loo baahanyahay.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso inay ka joogsadaan tallaabooyinka waxyeello u geysan doona geeddi socodka sameynya dowlad-goboleedyada guud ahaan ama dib u dhac ku keeni kara guulihii geeddi socodka laga gaaray. Iyadoo hadda la sameeyay golaha baarlamaan goboleedka Jubba, waxaa socda geeddi socodyo dowlad dhisid oo muhim ah oo la xiriira dastuurka Jubba, arrimahaas dhammaantoodana waxay u baahanyihiin in dhinacyada arrintu khuseyso iyo beesha caalamkuba ay aad u taageeraan waqtigan hadda la joogo.

Waxaan rajeynaynaa inaan aragno xal wax ku ool ah oo lagu gaaro hanaan nidaamsan, loo wada dhanyahay oo ay Soomaalidu horseedo.

Saaxiibada ay Soomaaliya caalamka ku leedahay waxaa ka go’an inay taageeraan geeddi socodka dalku ee nabadda iyo dowlad-dhisidda.

Dhammaad.

Previous Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo Cadaado ku sii jeeda

Next Post

Urur ay leeyihiin da’yarta araga la’ oo maanta lagu dhawaaqay-Sawirro

Next Post
Urur ay leeyihiin da’yarta araga la’ oo maanta lagu dhawaaqay-Sawirro

Urur ay leeyihiin da’yarta araga la’ oo maanta lagu dhawaaqay-Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In