Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saaxiibada Caalamka oo soo dhaweeyey dadaallada Ra’iisul Wasaare Rooble ee arrimaha doorashooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Saaxiibada Caalamka oo soo dhaweeyey dadaallada Ra’iisul Wasaare Rooble ee arrimaha doorashooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay aad u taageersanyihiin dadaallada Ra’iisul Wasaare Rooble iyo horumarka laga gaaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Dastuurka XFS oo soo saartay Bayaan Dadweyne

March 5, 2026
Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

March 5, 2026

Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay soo dhaweynayaan shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay 29kii Juun, waxa ayna ku bogaadinayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dowlad-goboleedyada doodihii wax dhisayey ee ay yeesheen. Waxa ay sheegeen in ay la socdaan in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiim ah ka gaareen jadwalka doorashada iyo doorka kooxda taageerada farsamada doorashada iyo ballaarinta lagu sameeyey si loogu soo biiriyo wakiillada dowlad-goboleedyada.

Waxaan la soconnaa in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiimka ah ka gaareen jadwalka doorashada iyo doorka kooxda taageerada farsamada doorashada iyo ballaarinta lagu sameeyey si loogu soo biiriyo wakiillada dowlad-gobolleedyada. Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka kala-bar looga dhimay kharashka isdiiwaangalinta musharixiinta haweenka ah, waxaana rajeyneynaa in la qaado tallaabooyin kale si loo xaqiijiyo qoondada boqolkiiba 30ka ah ee haweenka ee lagu hashiiyey.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan saamileyda, oo ay ku jiraan hay’adaha maamulaya doorashada, inay hore ugu sii socdaan ka-soo-dhalaalidda mas’uuliyadaha iyo ballamaha la galay,  iyada oo aan dib loo dhigin. Waxaan ku dhiirigalineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay si joogta ah oo wax dhisaya u yeeshaan wada-xaajood iyo wada-shaqeyn inta lagu guda-jiro geeddi-socodka doorashada si loo xalliyo arrimo walba oo soo baxa. Waxaan ku kalsoonnahay in habraac deg deg ah, nabdoon oo hufan uu Soomaliya ka taageeri doono ku-laabashada dhabbaha xasilloonida iyo barwaaqada.

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay diyaar u yihiin in ay taageeraan dadaalladaas.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

 

Previous Post

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa tartanka Koobka Carabta ee da’doodu ka yartahay 17 sano jirada

Next Post

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay degaanno ay argagaxisada kaga sugnayeen Gobolka Mudug

Next Post
Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay degaanno ay argagaxisada kaga sugnayeen Gobolka Mudug

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay degaanno ay argagaxisada kaga sugnayeen Gobolka Mudug

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Dastuurka XFS oo soo saartay Bayaan Dadweyne

March 5, 2026
0

𝐁𝐀𝐘𝐀𝐀𝐍 𝐃𝐀𝐃𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒 𝐊𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha...

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

March 5, 2026
0

Muqdisho, 05 Maarso 2026 – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

March 5, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

March 5, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweysay ansixinta ay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku meel mariyeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In