Thursday, December 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sacuudi Carabiya oo shaacisay in dalkaasi ay gaareen 1.2 Milyan oo Xujey ah

Sacuudi Carabiya oo shaacisay in dalkaasi ay gaareen 1.2 Milyan oo Xujey ah

Ali Ahmed by Ali Ahmed
2 years ago
in Wararka
0
Sacuudi Carabiya oo shaacisay in dalkaasi ay gaareen 1.2 Milyan oo Xujey ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tawfiiq Al-Rabiah, Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga, ayaa shaaca ka qaadday in ku dhawaad ​​1.2 milyan oo xujey ah oo ka kala yimid dalal kala duwan oo caalamka ah ay xilligaan ku sugan yihiin dalkaasi.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ayaa ku nuux-nuuxsaday sida madaxda sacuudiga ay uga go’an tahay u adeegidda dadka marida ah ee xujieyda,isagoo ka mahadceliyay dadaalka loo galay imaanshaha xujeyda ee goobaha barakeysan sida labada masjid ee Maka iyo madiina.

Related posts

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

December 25, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025

Tawfiiq Al-Rabiah waxa uu xusay in xujeydu ay si fudud oo niyad sami ah u soo gudan karaan cibaadadooda iyagoo helaya daryeel iyo foojignaan heer sare ah ,wuxuuna dhanka kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo hogaansamo shuruucda,awaamiirta iyo iskaashiga si ayuu yiri loo xaqiijiyo adeeg dhamaystiran oo loo qabto dhammaan xujeyda.

Si kor loogu qaado hufnaanta shaqaalaha ee nidaamka Xajka, Al-Rabiah wuxuu sharraxay in bilihii la soo dhaafay in ka badan 120,000 oo shaqaale iyo hoggaamiyeyaal ah ay qaateen tababar la xiriiray bixinta adeegyada loogu talagalay xujeyda.

Previous Post

Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daahfuray dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameeyey taliska qeybta guud ee ciidanka Taraafikada.

Next Post

Madaxweynaha Jubbaland oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Daraawiishta

Next Post
Madaxweynaha Jubbaland oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Daraawiishta

Madaxweynaha Jubbaland oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Daraawiishta

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u bilaawday doorashada Golaha Deegaanka 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, taasoo ah mid...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In