Thursday, December 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sacuudiga oo ka hadlay arinta Muslimiinta Rohingya

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Sacuudiga oo ka hadlay arinta Muslimiinta Rohingya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isagoo ka hadlayay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York oo uu ka socdo shirka golaha guud, ayuu wasiirka arimaha dibadda dalka Sacuudi Carabiya Caadil Aljubeyr, waxaa uu cambaareeyay siyaasada dowladda Myanmar ee caburineysa dadka Muslimiinta tirada yar ee Rohingya.

“Wadankeygu waxaa uu aad ugu walacsan yahay  isla markaana cambaareynayaa siyaasadda caburinta ah ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya ee ay wado dowladda Myanmar,” ayuu yiri wasiirku.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025

Kumanaan qof oo kamid ah dadka Muslimiinta Rohingya ee wadanka Myanmar ayaa guriyahooda ay ka soo saareen ciidanka dalkaas, iyadoo dadka aad u badan oo qowmiyadaas kamid ah la laayay.

Xukuumadda Bangladesh  iyo hey’addaha gargaarka ayaa la daalaa dhacaya caawinta in ka badan 422,000 oo qof oo ah Muslimiinta Rohingya  kuwaas oo dalkaas gaaray tan iyo Aug. 25, markii ay bilowdeen weerarada ka dhanka ah dadkan.

Qaramada Midoobay, ayaa aaminsan in weerarada dadka Muslimiinta Rohingya lala beegsanayo ay yihiin kuwo isir sifeyn ah, sida uu dhowaan sheegay xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Antonio Gutteres.

Dalalka caalamka Islaamka uu boqortooyada Sacuudiga hormuud ka tahay ayaa lagu dhaleeceeyay sida ay uga gaabiyeen in ay ka hadlaan dhibaatada iyo xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Rohingya.

Previous Post

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wakiilka Midowga Afrika oo kulmay-Sawirro

Next Post

DAAWO:-Diyaaradii Ugu Horeysay Ee Rakaab Sida Oo Caawa 27 Sano Kadib Xili Habeen Ah Kasoo Degtay Muqdisho

Next Post
DAAWO:-Diyaaradii Ugu Horeysay Ee Rakaab Sida Oo Caawa 27 Sano Kadib Xili Habeen Ah Kasoo Degtay Muqdisho

DAAWO:-Diyaaradii Ugu Horeysay Ee Rakaab Sida Oo Caawa 27 Sano Kadib Xili Habeen Ah Kasoo Degtay Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan miro-dhal ah...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

December 17, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo ka jirta deegaanada maamulkaasi....

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guddigu uu bilaabayo daabulidda qalabka rasmiga ah ee lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In