Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Britain oo faah faahisay qorshayaashayaal ay ku caawineyso Soomaaliya”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Britain oo faah faahisay qorshayaashayaal ay ku caawineyso Soomaaliya”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Safiirka Britain ee Soomaaliya Danjire Harriet Mathews oo shir jaraa’id saxaafadda ugu qabatay xarunta safaaradda ay ku leedahay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayay kaga hadashay qorshaha UK uga aadan sanadka soo socda arrimaha Soomaaliya, iyadoo xustay inay jiraan caqabado.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Ms Harriet ayaa tilmaantay in dowladda Ingiriiska oo kaashaneysa beesha caalamka ay dowladda kala shaqeyn doonaan sidii sanadka 2016-ka lagu heli lahaa hanaan doorasho, kaasi oo ay ku sheegtay in uu yahay mid aad u muhiimsan, isla markaana ay gacan ka geysan doonaan sidii loo dhameystiri lahaa hanaanka federaalka ah oo ay dowladda Soomaaliya qaadatay.

“Waxaan doonaynaa in aan ahmiyada siino sidii sannaka soo socda oo sannad adag  u ah Soomaaliya, waxaa noo qabsamooya doorasho muhiim ah sannadka 2016, waxaana ku farax sanahay in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in doorashadaas ay  dhacdo, waxaana rabnaa in aan kala shaqeyno anaga oo wadajir ah, beesha caalamka iyo inta ay khusayso lana xaqiijiyo in doorashooyinkaas ay yihiin kuwa si hufan oo cad u dhacaan ayna yihiin kuwa wakhtiyeysan. Waxaa jirta agenda siyasaasadeed oo ah dhamaystirka iyo hir gelinta nidaamka Federalka” Sidaasi Waxaa tiri Safiirka Ms Harriet .

Safiirka Britain ee Soomaaliya ayaa xustay in ciidamada dowladda Britain ay Soomaaliya u soo direyso ay ka qeyb qaadan doonaan tababar siinta ciidamada AMISOM iyo ciidanka dowladda Soomaaliya, islamarkaana aysan shaqadoodu ahayn inay ka dagaalamaan aaga hore ee dagaalada.

“Ciidanka ay UK u soo daabulayso Soomaaliya waxa ay leeyihiin Mandate (Sharciyad) waxa ay la shaqeynayaan Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa Amisom ee dagaalka kula jira Al-Shabab, waxa ay sidoo kale gacan ka geysanayaan in ay Soomaaliya ka taageeraan dhinaca dhismaha Kaabayaasha Dhaqaale iyo Bey’adda” ayay tiri Safiirka Britain Ee Soomaaliya.

Danjiraha Harriet Mathews ayaa tilmaamay in UK ay tahay dalka ugu horeeya ee dhanka beni’aadanimada wax ka qabtay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dhanka adeegyada caafimaadka oo ay gurmad caafimaad u fidiyeen haween uur leh iyo 125 kun oo carruur  la talaalay ah.

Ugu dambeyntii Safiirka Britain ee Soomaaliya Danjire Harriet Mathews ayaa tilmaamtay in dhanka horumaritna ganacsiga ay door weyn ka qaateen oo ay shaqo siiyeen 30 kun oo dhalinyaro ah, haatanna ay qorsheynayaan in sagaal kun oo kale ay shaqo abuuraan, isla markaana dowladda Britain ay Soomaaliya ugu yabooheyso 15- milyan oo bound si loogu caawiyo bulshada Soomaaliyeed.

vlcsnap-2015-10-05-20h19m44s87 vlcsnap-2015-10-05-20h20m09s104 vlcsnap-2015-10-05-20h20m54s43 vlcsnap-2015-10-05-20h21m18s36

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In