Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Britain oo faah faahisay qorshayaashayaal ay ku caawineyso Soomaaliya”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Britain oo faah faahisay qorshayaashayaal ay ku caawineyso Soomaaliya”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Safiirka Britain ee Soomaaliya Danjire Harriet Mathews oo shir jaraa’id saxaafadda ugu qabatay xarunta safaaradda ay ku leedahay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayay kaga hadashay qorshaha UK uga aadan sanadka soo socda arrimaha Soomaaliya, iyadoo xustay inay jiraan caqabado.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026

Ms Harriet ayaa tilmaantay in dowladda Ingiriiska oo kaashaneysa beesha caalamka ay dowladda kala shaqeyn doonaan sidii sanadka 2016-ka lagu heli lahaa hanaan doorasho, kaasi oo ay ku sheegtay in uu yahay mid aad u muhiimsan, isla markaana ay gacan ka geysan doonaan sidii loo dhameystiri lahaa hanaanka federaalka ah oo ay dowladda Soomaaliya qaadatay.

“Waxaan doonaynaa in aan ahmiyada siino sidii sannaka soo socda oo sannad adag  u ah Soomaaliya, waxaa noo qabsamooya doorasho muhiim ah sannadka 2016, waxaana ku farax sanahay in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in doorashadaas ay  dhacdo, waxaana rabnaa in aan kala shaqeyno anaga oo wadajir ah, beesha caalamka iyo inta ay khusayso lana xaqiijiyo in doorashooyinkaas ay yihiin kuwa si hufan oo cad u dhacaan ayna yihiin kuwa wakhtiyeysan. Waxaa jirta agenda siyasaasadeed oo ah dhamaystirka iyo hir gelinta nidaamka Federalka” Sidaasi Waxaa tiri Safiirka Ms Harriet .

Safiirka Britain ee Soomaaliya ayaa xustay in ciidamada dowladda Britain ay Soomaaliya u soo direyso ay ka qeyb qaadan doonaan tababar siinta ciidamada AMISOM iyo ciidanka dowladda Soomaaliya, islamarkaana aysan shaqadoodu ahayn inay ka dagaalamaan aaga hore ee dagaalada.

“Ciidanka ay UK u soo daabulayso Soomaaliya waxa ay leeyihiin Mandate (Sharciyad) waxa ay la shaqeynayaan Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa Amisom ee dagaalka kula jira Al-Shabab, waxa ay sidoo kale gacan ka geysanayaan in ay Soomaaliya ka taageeraan dhinaca dhismaha Kaabayaasha Dhaqaale iyo Bey’adda” ayay tiri Safiirka Britain Ee Soomaaliya.

Danjiraha Harriet Mathews ayaa tilmaamay in UK ay tahay dalka ugu horeeya ee dhanka beni’aadanimada wax ka qabtay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dhanka adeegyada caafimaadka oo ay gurmad caafimaad u fidiyeen haween uur leh iyo 125 kun oo carruur  la talaalay ah.

Ugu dambeyntii Safiirka Britain ee Soomaaliya Danjire Harriet Mathews ayaa tilmaamtay in dhanka horumaritna ganacsiga ay door weyn ka qaateen oo ay shaqo siiyeen 30 kun oo dhalinyaro ah, haatanna ay qorsheynayaan in sagaal kun oo kale ay shaqo abuuraan, isla markaana dowladda Britain ay Soomaaliya ugu yabooheyso 15- milyan oo bound si loogu caawiyo bulshada Soomaaliyeed.

vlcsnap-2015-10-05-20h19m44s87 vlcsnap-2015-10-05-20h20m09s104 vlcsnap-2015-10-05-20h20m54s43 vlcsnap-2015-10-05-20h21m18s36

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In