Safaaradda Jaabuuti ayaa maanta dhar ay ku ciidaan u qeybisay gabdhaha agoonta ah ee ku jira xarunta agoonta gabdhaha Boondheere ee Muqdisho
Qunsulka safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Muqdisho ayaa xarunta xannaanada agoonta Gabdhaha Boondheere gaarsiiyay dhar ay ku ciidaan gabdhahaasi, si ay farxadda ula qeybsadaan caruurta Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha degmada Boodheere ee gobolka Banaadir Seynab Yuusuf Wehliye ayaa sheegtay in dowladda Jabuuti walaalnimada ka sokow ay tahay maciin garab u ah shacabka Soomaaliyeed, iyadoo mahad ballaaran u jeedisay shacabka iyo madaxda dowladda Jabuuti.
Qunsulka safaardda Jabuuti ee Soomaliya ahna ku simaha xilka safiirka mudane Sahal Cabdi Yuusuf oo deeqda dharka ah u qeybiyay gabdhaha agoonta ah ayaa tilmaamay in dharkan ay safaaraddu ugu talagashay in ay ku ciidaan boqollaalka gabdhaha ah ee ku jira xaruntaasi.
Waa sanadkii labaad oo safaaradda Jabuuti ay gabdhahaasi agoonta ah u qeybineyso dhar ay ku ciidaan, iyadoo dowladda Jabuuti dib u dhis ballaaran ku sameysay xaruntaasi.
Gabdhaha agoonta ah ayaa xaruntaasi ka hela waxbarasho, xannaano iyo daryeel dheeraad ah, maamulaha xaruntaasi marwo Nuurto Maxamed Caddoow oo iyadu aas aastay xaruntaasi soona gaarsiisay heerka ay maanta joogto
Halkan hoose ka dhageyso