Friday, July 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo kulan u qabatay dhallinyaro+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo kulan u qabatay dhallinyaro+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa isu keentay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaallada Nairobi, qurbo joog iyo Ilhaan Cumar oo ah xubin ka tirsan golaha wakiillada gobolka Minisota ee dalka Mareykanka.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen ku dhawaad 30 dhallinyaro ah oo ka kala socday ururrada bulshada iyo kuwa dhallinyarada ee ka shaqeeya arrimaha Soomaalida Kenya, ayaa looga hadlay kaalinta dhallinyaradu ay ka qaadan karaan horumarinta bulshada iyo siyaasadda, waxaana la isku dhaafsaday aragtiyo, tusaalooyin iyo waayo aragnimo la xiriirta xaaladaha ay ku sugan yihiin dhallinyarada, fursadaha u banaan iyo sida ay horumarinta uga qeyb qaadan karaan.

Related posts

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

July 2, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026

Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Almaas Elman oo furtay shirkaan ayaa tilmaantay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku leeyihiin horumarinta bulshada, nabadda iyo waliba siyaasadda. Waxa ay sheegtay in isku-xirka dhallinyarada iyo inay hadaf yeeshaan ay qeyb weyn ka qaadan karto horumarinta dadkooda iyo dalkooda.

“Dhallinyarada waxa ay leeyihiin awood ballaaran,Waa kuwo wax beddeli kara haddii ay midoobaan, guulaha ay siyaasadda iyo arrimaha bulshada ka gaareen ayaa tusaale u ah in ay hoggaamin karaan dadkooda” ayay tiri Almaas. “Kulankani waxa uu naga saacidi doonnaa in dhallinyarada aan ku baraarujinno in ay horay u socdaan iyo in aan helno fursad ay xildhibaan Ilhaan Cumar nagula wadaagto waayo-aragnimadeeda, waana u mahad celinayaa” ayay sii raacisay.

Ilhaan Cumar, oo ah gabar Soomaaliyeed oo sanadkaan 2016-ka ku guulaysatay kursiga xildhibaannimo ee aqalka wakiillada gobolka Minosoota ee Mareykanka, ayaa sheegtay in awoodda ku jirta dhallinyarada ay wax badan ka beddeli karto xaaladda uu dalku ku sugan yahay, sidoo kalena ay dhallinyaradu wax hoggaamin karaan.

” Dhallinyaradu ma ahan kaliya hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, sidoo kale waa hoggaamiyeyaasha mar kasta. Waa in aan qaadannaa kaalinteenna oo aan bulshadeena wax tarnaa. Caqabadaha kaa hor imaanaya ma yara laakinka hanka iyo dadaalka ayaa muhiim ah si aan u gaarno ujeeddadeena” ayay tiri Ilhaan. “Dhallinyaradan oo howlo muhiim ah u haaya bulshada in aan la kulmo fursad ayay ii tahay, oo qaarkood aan howlahooda internet-ka kala socday. Safaaradda Soomaaliya iyo Danjire Jamaal oo suurta galiyay aad ayaan ugu mahad celinayaa.

Dhallinyarada ka qeyb gashay kulankaan ayaa soo jeediyay khudbooyin ku aaddan waxyaabaha la gudboon dhallinyarada si ay bulshooyinkooda u hormariyaan. Qaarkood ayaa soo bandhigay tusaalooyin iyo waxbixinno muujinaya in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku leeyihiin is-beddellada wanaagsan ee ka dhacaya dalka Soomaaliya iyo gobolkaba.

IMG_0464 IMG_0527 IMG_7129 IMG_7132 IMG_7154 IMG_7160 IMG_7161 IMG_7190 IMG_7236 IMG_7244 IMG_7257 IMG_7258 IMG_7261 IMG_7314 IMG_7320

 

 

Previous Post

Ciidanka Qaybta 21-aad iyo ciidanka AMISOM ayaa isku diyaarinaya hawlgal ka dhan ah kooxda Shabaab.

Next Post

Taliyaha Daraawiishta Sh/Hoose oo ka hadlay dagaal shalay ka dhacay Afgooye

Next Post
Taliyaha Daraawiishta Sh/Hoose oo ka hadlay dagaal shalay ka dhacay Afgooye

Taliyaha Daraawiishta Sh/Hoose oo ka hadlay dagaal shalay ka dhacay Afgooye

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

July 2, 2026
0

Munaasabad lagu xusayay 66-sano guuradii kasoo wareegtay Xorriyadda iyo Midowgii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Jubba ee dalka Koonfurta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo...

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In