Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya ee Masar oo kaalmo siiyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya ee Masar oo kaalmo siiyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliya ee Masar ayaa maanta soo gabagabeysay deeq caawimaad ah oo maalmahaan la gaarsiiyay qoysaska danyarta ah ee Masar ku Nool.

Deeqdaan oo ahayd midii ugu horeysay ee Safaaradda ay bixiso ayaa waxa looga faa’iideeyay 1,100 qoys oo danyar ah, kuwaas oo dagan xaafadaha Nasri City, Ardi Luuba iyo 6 October.

Related posts

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026

Qoysaska ka faa’ideystay deeqdaan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin caawimaadda uu Safiirka soo gaarsiiyay ee loo sameeyay, iyagoo u mahadceliyay Danjire Ilyaas Sheekh Cumar iyo cid walba oo ka qeyb qaadatay fududeynta iyo bixinta deeqdaan.

Sidoo kale Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Imaamka Al Azhar Al Sheikh Dr:Ahmad al Tayyib, Bankiga Cuntadda Masar iyo dowaldda aan walaalaha nahay ee Masar uga mahadceliyay garab istaaga ay u muujiyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Masar ku nool.

Deeqdaan oo isugu jirtay Raashin iyo mid lacageed ayaa loogu talagalay in lagu afuriyo Qoysaska danyarta ah ee ku nool Qaahira, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Previous Post

Sawirro: Guddiga doorashada ee FEIT oo shahaadooyinka xubinimo ee BF gudoonsiiyay afar Xildhibaan

Next Post

Madaxweynaha Jubbaland oo dhagax dhigay garoonka Ceelwaaq “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Jubbaland oo dhagax dhigay garoonka Ceelwaaq “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jubbaland oo dhagax dhigay garoonka Ceelwaaq “SAWIRRO”

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug soo gaarsiiyey Kaararka codbixiyaasha hore loo diiwaangeliyey,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026
0

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In