Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan oo kulamo la qaadatay ganacsatada ugu waaweyn dalkaasi+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan oo kulamo la qaadatay ganacsatada ugu waaweyn dalkaasi+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiinta  safaaradda Soomaaliya ee dalka Pakistan  oo ay hoggaaminayso Danjire Marwo Khadiija Maxamad iyo u qaybsanaha ganacsiga iyo warshadaha ee Safaaradda  Khadar Dheen Guuleed ayaa waxay kulamo ku saabsan dardargalinta ganacsiga labada dal kula qaateen rugaha ganacsiga ee ka dhisan dalka Pakistan kuwooda ugu firfircoon, kuwaasoo ay ka mid yihiin,  Rawalpindi Chamber of Commerce and industries (RCCI) iyo Islamabad Camber of commerce and industries (ICCI).

Goob ay xaadir ku ahaayeen Ganacsatada ugu waawayn dalka pakistan ayaa Danjire  Marwo Khadiija ayaa tiri  “Waxaa jiro fursado dihin ah oo ay labada dal ee walaalaha ahi ka wada faa’iidi karaan, fursadahaas oo loo baahanyahay in labada dowladood si hufan uga wada shaqeeyaan”.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

U qaybsanaha ganacsiga iyo warshadaha ee Safaaradda  Soomaaliya ee Pakistan mudane Khadar Dheen Guuleed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yiri  “Waxaan ka shaqaynaynaa in aynu yeelano heshiisyo ganacsi oo ku sulaysan sinnaansho ganacsi Soomaaliya waxaa la ansixiyay sharcigii maalgashiga oo la micno tahay Soomaaliya waa u diyaar maalgashi, waxaan ku boorinaynaa ganacsatada in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ka jiro dalka maaddaama uu dib u dhis ka socdo dalkayaga, waxaan kor ugu qaadi karnaa ganacsiga labadeenna dal, inagoo wadaagna wufuud ganacsi si uu u yimaado isdhexgal ganacsato iyo in aynu mataanayno rugaheena ganacsi si xog joogta ahi u kala helaan”.

Madaxweynayaasha Rugaha ganacsiga ee labada dal ayaa soo dhaweeyay talooyinkaas iyagoo ku daray in ay ahmiyad gaar ah saari doonaan in duulimaad toos ah qaybta xamuulka u gudbin doonaan dowladdooda diyaarna u yihiin ra’ayiga uu soo jeediyay u qaybsanaha Ganacsiga iyagoo ballanqaaday inay heshiisyo isfahan shaqo ah la saxiixan doonaan rugaha ganacsi ee ka jira dalka Soomaaliya.

Meelaha la isla afgartay in si wadajir ah loo hormariyo waxaa ka mid ah Xoolaha nool dalagga, dib u dhiska Soomaaliya, daawooyinka, bariiska shamiitada, tayayn ama kor u qaadis xirfadda shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo rugaha ganacsiga, in la is dhaafsado wufuud ganacsi, iyo in bandhig carweed sanad la’ah oo ku kooban labada dal la qabto.

Sidoo kale u qaybsanaha ganacsiga iyo warshadaha ee Safaaradda  Soomaaliya ee Pakistan mudane Khadar Dheen Guuleed oo dadaal dheer ugu jiro abuurista fursado ganacsi iyo sidii loo dardargalin lahaa ayaa la kulmay Agaasimaha laanta socdaalka Ganacsiga Pakistan iyo ku xigeenkiisa.

Previous Post

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo war ka soo saartay goobta lagu qabanayo ciyaaraha gobollada

Next Post

Hay’adda Somali Relief Network of North America ayaa 1400 qoys oo dan yar ah u qeybisay Deeq Raashi ah

Next Post
Hay’adda Somali Relief Network of North America ayaa 1400 qoys oo dan yar ah u qeybisay Deeq Raashi ah

Hay'adda Somali Relief Network of North America ayaa 1400 qoys oo dan yar ah u qeybisay Deeq Raashi ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In