Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan oo kulamo la qaadatay ganacsatada ugu waaweyn dalkaasi+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan oo kulamo la qaadatay ganacsatada ugu waaweyn dalkaasi+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiinta  safaaradda Soomaaliya ee dalka Pakistan  oo ay hoggaaminayso Danjire Marwo Khadiija Maxamad iyo u qaybsanaha ganacsiga iyo warshadaha ee Safaaradda  Khadar Dheen Guuleed ayaa waxay kulamo ku saabsan dardargalinta ganacsiga labada dal kula qaateen rugaha ganacsiga ee ka dhisan dalka Pakistan kuwooda ugu firfircoon, kuwaasoo ay ka mid yihiin,  Rawalpindi Chamber of Commerce and industries (RCCI) iyo Islamabad Camber of commerce and industries (ICCI).

Goob ay xaadir ku ahaayeen Ganacsatada ugu waawayn dalka pakistan ayaa Danjire  Marwo Khadiija ayaa tiri  “Waxaa jiro fursado dihin ah oo ay labada dal ee walaalaha ahi ka wada faa’iidi karaan, fursadahaas oo loo baahanyahay in labada dowladood si hufan uga wada shaqeeyaan”.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

U qaybsanaha ganacsiga iyo warshadaha ee Safaaradda  Soomaaliya ee Pakistan mudane Khadar Dheen Guuleed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yiri  “Waxaan ka shaqaynaynaa in aynu yeelano heshiisyo ganacsi oo ku sulaysan sinnaansho ganacsi Soomaaliya waxaa la ansixiyay sharcigii maalgashiga oo la micno tahay Soomaaliya waa u diyaar maalgashi, waxaan ku boorinaynaa ganacsatada in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ka jiro dalka maaddaama uu dib u dhis ka socdo dalkayaga, waxaan kor ugu qaadi karnaa ganacsiga labadeenna dal, inagoo wadaagna wufuud ganacsi si uu u yimaado isdhexgal ganacsato iyo in aynu mataanayno rugaheena ganacsi si xog joogta ahi u kala helaan”.

Madaxweynayaasha Rugaha ganacsiga ee labada dal ayaa soo dhaweeyay talooyinkaas iyagoo ku daray in ay ahmiyad gaar ah saari doonaan in duulimaad toos ah qaybta xamuulka u gudbin doonaan dowladdooda diyaarna u yihiin ra’ayiga uu soo jeediyay u qaybsanaha Ganacsiga iyagoo ballanqaaday inay heshiisyo isfahan shaqo ah la saxiixan doonaan rugaha ganacsi ee ka jira dalka Soomaaliya.

Meelaha la isla afgartay in si wadajir ah loo hormariyo waxaa ka mid ah Xoolaha nool dalagga, dib u dhiska Soomaaliya, daawooyinka, bariiska shamiitada, tayayn ama kor u qaadis xirfadda shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo rugaha ganacsiga, in la is dhaafsado wufuud ganacsi, iyo in bandhig carweed sanad la’ah oo ku kooban labada dal la qabto.

Sidoo kale u qaybsanaha ganacsiga iyo warshadaha ee Safaaradda  Soomaaliya ee Pakistan mudane Khadar Dheen Guuleed oo dadaal dheer ugu jiro abuurista fursado ganacsi iyo sidii loo dardargalin lahaa ayaa la kulmay Agaasimaha laanta socdaalka Ganacsiga Pakistan iyo ku xigeenkiisa.

Previous Post

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo war ka soo saartay goobta lagu qabanayo ciyaaraha gobollada

Next Post

Hay’adda Somali Relief Network of North America ayaa 1400 qoys oo dan yar ah u qeybisay Deeq Raashi ah

Next Post
Hay’adda Somali Relief Network of North America ayaa 1400 qoys oo dan yar ah u qeybisay Deeq Raashi ah

Hay'adda Somali Relief Network of North America ayaa 1400 qoys oo dan yar ah u qeybisay Deeq Raashi ah

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In