Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga oo u hambalyaysay CXD Soomaaliyeed-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga oo u hambalyaysay CXD Soomaaliyeed-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga ayaa hambalyo ku aaddan xuska sanadguurada aasaaska ciidanka xoogga dalka u dirtay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada XDS.

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Janaraal Muuse Xasan Cabdulle, oo maanta war qoraal ah ka soo saaray xarunta safaaradda ee magaalada Rooma, ayaa waxaa uu ugu horeyn ugu hambalyeeyay ciidamada iyo saraakiisha Xoogga dalka Soomaaliyeed debaaldegga maalinta la aasaasay ciidanka xoogga.

Related posts

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta anagoo joona xarunta safaaradda la qeybsano faraxadda iyo damaashaadka Saraakiisha,Saraakiil xigeennada,Alifleyda,dableyda iyo xaasaskooda waxaan leeyahay hambalyo hambalyo”.

“Sidoo kale waxaan anigoo ku hadlaya magaceyga iyo kan dhammaan howlwadeennada safaaradda amaan uga jeedinayaa halkaan dedaalka iyo horumarada ay ciidanka xoogga dalka qeybahooda kala duwan ka sameeyeen howlgallada ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-shabab ee diiddan jiritaanka iyo nabadgelyada ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri danjire Muuse.

Danjire Janaraal Muuse ayaa ugu dambeyn ugu baaqay madaxda sare ee dowladda,wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka XDS inay il gaar ah ku hayaan qoysaska geesiyaashii naftooda u huray xoreynta dalka iyo la dagaalanka maleeshiyaadka Al-shabab oo haatan laga saaray qeybo farabadan oo kamid ah dalka.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la aasaasay 12kii April sanadkii 1960kii iyagoo door firfircoon oo lama iloobaan ah ka qaaatay difaacidda dhulka,berriga,badda,cirka , iyo badbaadinta danaha iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

received_1022479527822659 received_1022479541155991

Previous Post

Xuska maalinta CXD Soomaaliyeed oo Cadaado lagu qabtay-Sawirro

Next Post

Fanaanada Marwo Cabdi oo caawa ku geeriyootay Muqdisho

Next Post
Waa sidee goobaha ay Caawa Qaraxyadu ka dheceen ee Muqdisho?”HALKAN KA DHAGEYSO”

Fanaanada Marwo Cabdi oo caawa ku geeriyootay Muqdisho

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In