Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga oo u hambalyaysay CXD Soomaaliyeed-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga oo u hambalyaysay CXD Soomaaliyeed-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga ayaa hambalyo ku aaddan xuska sanadguurada aasaaska ciidanka xoogga dalka u dirtay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada XDS.

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Janaraal Muuse Xasan Cabdulle, oo maanta war qoraal ah ka soo saaray xarunta safaaradda ee magaalada Rooma, ayaa waxaa uu ugu horeyn ugu hambalyeeyay ciidamada iyo saraakiisha Xoogga dalka Soomaaliyeed debaaldegga maalinta la aasaasay ciidanka xoogga.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta anagoo joona xarunta safaaradda la qeybsano faraxadda iyo damaashaadka Saraakiisha,Saraakiil xigeennada,Alifleyda,dableyda iyo xaasaskooda waxaan leeyahay hambalyo hambalyo”.

“Sidoo kale waxaan anigoo ku hadlaya magaceyga iyo kan dhammaan howlwadeennada safaaradda amaan uga jeedinayaa halkaan dedaalka iyo horumarada ay ciidanka xoogga dalka qeybahooda kala duwan ka sameeyeen howlgallada ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-shabab ee diiddan jiritaanka iyo nabadgelyada ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri danjire Muuse.

Danjire Janaraal Muuse ayaa ugu dambeyn ugu baaqay madaxda sare ee dowladda,wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka XDS inay il gaar ah ku hayaan qoysaska geesiyaashii naftooda u huray xoreynta dalka iyo la dagaalanka maleeshiyaadka Al-shabab oo haatan laga saaray qeybo farabadan oo kamid ah dalka.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la aasaasay 12kii April sanadkii 1960kii iyagoo door firfircoon oo lama iloobaan ah ka qaaatay difaacidda dhulka,berriga,badda,cirka , iyo badbaadinta danaha iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

received_1022479527822659 received_1022479541155991

Previous Post

Xuska maalinta CXD Soomaaliyeed oo Cadaado lagu qabtay-Sawirro

Next Post

Fanaanada Marwo Cabdi oo caawa ku geeriyootay Muqdisho

Next Post
Waa sidee goobaha ay Caawa Qaraxyadu ka dheceen ee Muqdisho?”HALKAN KA DHAGEYSO”

Fanaanada Marwo Cabdi oo caawa ku geeriyootay Muqdisho

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In