Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo kulan dhiiri-gelin ah u qabatay Koox ku guuleysatay Tartan lagu Maamuusayey Xuskii Kowda Luulyo.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo kulan dhiiri-gelin ah u qabatay Koox ku guuleysatay Tartan lagu Maamuusayey Xuskii Kowda Luulyo.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya dalka Uganda, H.E Jibriil Afyare ayaa maanta xarrunta safaaradda ee magaalada Kampala waxa uu kullan kula yeeshay kooxda kubadda cagta ee CROWN FC.

Kullanka oo uu ka soo qeybgalay Agaasimaha guud ee shirkadda duulimaadka CROWN BUSINESS SOLUTIONS LTD , ahna milkiilaha kooxda CROWN FC, H.E Maxamed Barre Maxamuud ayaa ujeedkiisa ahaa dhiirri gellin iyo casuumaad uu qunsulka u sameenayay kooxdan.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Koxda CROWN FC ayaa ku guuleysatay tartan kubadda cagta ah oo loo qabtay 12-koox oo ka dhisan dalka Uganda, iyadoo tartanka lagu maamuusayay xuskii 59-guurada ka soo wareegtay 1-da LUULYO oo ah markii dalkeenna Soomaaliya uu xornimada ka qaatay gumaystihii Talyaaniga iyo israacii gobollada Waqooyi iyo Koonfur, waxaana tartaankaas soo agaasimay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda.

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda, H.E Jibril Afyare ayaa maamulka, ciyaartooyda iyo macallimiinta kooxda CROWN FC uga mahadceliyay guusha ay tartankaas ka gaareen, isagoo u sheegay in ka safaarad ahaan ay aad u soo dhawenayaan guusha ay kooxdan gaartay, ayna garab taagan yihiin mar walba.

Qunsul Jibril Afyare ayaa xusay in ka safaarad ahaan ay diyaar u yihiin dhiirri gellinta guud ahaan jaaliyadda iyo bulshada Soomaaliyeed ee dalka Uganda, gaar ahaan dhallinyarada.

Dhankooda maamulka, macallimiinta iyo ciyaartooyda kooxda CROWN FC ayaa aad u soo dhaweeyay kullanka casuumadda iyo dhiirri gellinta ee uu u fidiyay qunsulka safaaradda, mudane Jabril Afyare, iyagoo ammaanay waxqabadka hagar la’aanta ah ee had iyo habeen uu qunsulka u fidiyo qeybaha kala duwan ee Soomaalida ku nool dalka Uganda.

Ciyaaraha kubadda cagta ayaa kamid ah astaamaha wanaagsan ee is dhex galka bulshada.

Previous Post

Kulllan looga hadlayey illaalinta Dhirta oo lagu qabtay Muqdisho “Dhageyso”

Next Post

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay ergey ka socda Midowga Afrika”Sawirro”

Next Post
Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay ergey ka socda Midowga Afrika”Sawirro”

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay ergey ka socda Midowga Afrika”Sawirro”

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In