Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka ay JFS u magacawday dalka Hindiya oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Safiirka ay JFS u magacawday dalka Hindiya oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane, Ahmed Ali Dahir ayaa gudbiyay warqadaha aqoonsiga ee Danjirinimo, iyadoo munaasabadda looga guddoomayey warqadaha aqoonsiga danjirenimo ay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee dalka Hindiya(Rashtrapati Bhavan).

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Munaasabadaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa Safiirka ku wehlinayey diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda JFS ee dalka Hindiya oo uu ugu horreeyo sii hayihii Safaaradda ahna ku xigeenka Safiirka Mudane Abdifatah Abdullahi Nur iyo xubno kale oo ka tirsan Safaaradda.

Marka ay gaareen aqalka Madaxtooyada ee dalkaas Hindiya looga arrimiyo waxaa halkaasi ay ku mareen hannaanka habmaamuuska oo ay maraan Safiirada.
Intaasi kadib ayaa Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Ahmed Ali Dahir waxaa uu kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Hindiya Marwo Droupadi Murmu.

Ugu horreyn waxaa uu Safiirku gudbiyey dhanbaalka dowaladda Soomaaliya ee ay u soo dirtay dowladda Hindiya.
Madaxwaynaha dalka Hindiya ayaa ugu horreyn dhanbaal hambalyo u dirtay Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadda cusub sidoo kale waxay ka tacsiyeeysay weerarkii bahalnnimo ay dhawaan magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Xayaat ka sameeyeen kooxaha argagixisada ee alshabaab.

Ugu dambeyn Madaxwaynaha Hindiya Marwo Droupadi Murmu ayaa u sheegtay danjiraha in dowladda Hindiya ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ka caawiyaan abaaraha iyo cunto yarida ka jirta dalka Soomaaliya isla markaana ay garab taagan yihiin mar walba.

Labada masuul ayaa ugu dambeyn isku afgartay in ay xoojiyaan xiriirka qotada dheer ee Hindiya iyo Soomaaliya oo dhincyo badan khuseeya.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliya ayaa xiriiro kala duwan la leh dalka iyo dadka reer Hindiya sida arrimaha caafiimaadka, waxbrashada iyo gancsiyada kala duwan oo ay labada dhinac kawada faaโ€™iideystaan.

Ugu dambeyn munasabadda gudbinta aqoonsiga Safiirnimo ee dalka Hindiya ayaa ku soo idlaatay jawi daganaan ah.

Previous Post

Ciidanka Xoogga oo deegaanno G/Hiiran ka tirsan ka saaray argagixisada Al-Shabaab

Next Post

Raโ€™iisal wasaare Xamsa oo magaalada Tunis kaga qeyb galaya shirka caalamiga ee TICAD

Next Post
Raโ€™iisal wasaare Xamsa oo magaalada Tunis kaga qeyb galaya shirka caalamiga ee TICAD

Raโ€™iisal wasaare Xamsa oo magaalada Tunis kaga qeyb galaya shirka caalamiga ee TICAD

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐ƒ๐ฎ๐ฐ๐ข๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ M๐จ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ l๐ฎ๐ ๐ฎ s๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐šy

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In