Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka JFS ee Ethiopia oo shahaado sharaf Guddoonsiiyay Orodyahanka Soomaaliyeed Cali Iidow “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Safiirka JFS ee Ethiopia oo shahaado sharaf Guddoonsiiyay Orodyahanka Soomaaliyeed Cali Iidow “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa iyo qaar kamid ah Diblomaasiyiinta Safaaradda JFS ee Addis Ababa ayaa kulan soo dhoweyn iyo dhiiri-gelin ah ugu sameeyay xafiiska safiirka, orodyahanada Soomaaliyeed ee sanadihii lasoo dhaafay iyo bilihii u danbeeyeyba guulo heer Qaran ah uga soo hooyay Jamhuuriyadda Soomaaliya tartanada ciyaaraha kala duwan ee caalamka iyo kuwa Afrika, kuwaas oo kala ah Cali Iidow Xasan iyo Cabdullaahi Jaamac Maxamed.

Safiir Warfaa, ayaa si gaar ah shahaado sharaf dhiirigelin ah u guddoonsiiyay orod-yahan Cali Iidow isagoo ku bogaadiyay dedaalka uu ku bixiyey inuu Soomaaliya usoo hooyo guul taariikhi ah kadib tartankii Ciyaaraha Jaamacadaha Adduunka (World University Games), kaas oo kusoo geba-geboobay 04 August 2023 magaalada Chengdu ee dalka China.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026

Cali Iidow Xasan ayaa kaalinta 4-aad ka galay wareegga koowaad ee Orodka 1500m, isagoo si buuxda uga adkaaday orodyahanno ka kala socday Morocco, Spain, Brazil, Poland iyo Qatar.

Safiir Warfaa, ayaa dib u jalleecay taariikhdii hore ee ay Soomaaliya ku lahayd tartanka orodka caalamka iyo kuwa Afrika, isagoo tilmaamay in guusha uu soo hooyay Cali Iidow ay tahay mid taariikhi ah oo mar kale usoo hoyatay Soomaaliya, isagoo sheegay in 1987-dii ay Soomaaliya ku guuleysatay biladda orodka 1500m ee masraxa caalamka xiligaas oo Cabdi Bile Cabdi uu keenay dahabka tartankii orodka Adduunka ee ka dhacay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, maantana ay tahay guul kale oo soo hoyatay maadaama ay Soomaaliya ku guulaysattay kaalinta 4-aad ee orodka 1500m ee tartanka Ciyaaraha Jaamacadaha Adduunka (World University Games), taasoo uu soo hooyay Cali Iidow.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xarigga ka jaray Ceel uu ka hirgeliyay deegaanka Daaru-nimca

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xarigga ka jaray Ceel uu ka hirgeliyay deegaanka Daaru-nimca

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xarigga ka jaray Ceel uu ka hirgeliyay deegaanka Daaru-nimca

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In