Monday, August 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Marekanka ee Malaysia oo booqatay iskuulka Soomaalida ee ku yaalla Kuala Lumpur (SAWIRRO)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 21, 2017
in Wararka
0
Safiirka Marekanka ee Malaysia oo booqatay iskuulka Soomaalida ee ku yaalla Kuala Lumpur (SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Marekanka u fadhiya dalka Malaysia, Kamala Shirin Lakhdhir ayaa booqashadii ugu horeysay ku tagtay iskuulka Soomaalida (Somali Community School) oo ay wax ku bartaan ku dhawaad 218 ardey oo Soomaali ah.

Dugsigan oo waxbarashada aasaasiga ah ee ka billaabata xanaannada carruurta ilaa fasalka sagaalaad ay ardeydu ku qaataan, wuxuu ku yaalla xaafadda ay Soomaalida ku badan-tahay ee Gombak oo ka tirsan magaalada Kuala Lumpur ee caasimada Malaysia.

Related posts

๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š๐ฒ ๐‚๐ข๐ซ๐š๐š๐ช ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ฎ tegay ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐คa

August 11, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025

Danjire Kamala Shirin, ayaa inta ay booqashada ku jirtay waxaa ay kormeertay qaybaha uu iskuulka ka koobanyahay, bilowgii horaba waxaa ay ka tacsiyeesey qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee 14 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay caddeysay inay ka xuntahay qaraxaas.

Ardeyda wax ka barata iskuulka, ayay fursad u siisey inay su’aallo waydiiyaan, waxaana ay warbixin ka siiyeen xaaladda iskuulka iyo baahiyaha uu qaba, danjiraha waxay muujisay inay ku faraxsantahay booqashada ay ku tagtay iskuulka bulshada Soomaalida, iyadoo marka xaqiijisay inay mar kale soo booqan doonto.

“Danjiraha waxay sheegtay inay waxbadan ka caawineyso iskuulka, waxaa ugu weyn ee ay noo sheegtay inay fasal cusub ku soo kordhin doonto iskuulka.” ayuu yiri Cabdifitaax Maxamed Cabdulle oo ah aas aasaha iskuulka bulshada Soomaaliyeed oo hadalkiisa ku daray, “Waan uga mahadcelinay booqashada, ardeyda iyo macallimiinta ayaana halkan ku soo dhaweeyay.”

Dugsiga waxbarashada aas aasiga ah ee bulshada Soomaalida Malaysia ardeyda ayaa sidoo kale ku qaadata casharo diini ah, wuxuu shaqeynayay tan iyo sannadkii 2011 marka oo ardeydii ugu horreeysay waxbarashada loo billaabay – muddada ku dhawaad afar kun oo ardeyย  Soomaali ah ayaa ka faa’iideysatay, kuwaaso hadda wax ka barta dugsiyada sare ee Malaysia, sida u SONNA u sheegay aasaasaha iskuulka, Cabdifitaax Maxamed Cabdulle.

Iman Mohamed Jama

Email: [email protected]

Kuala Lumpur , Malaysia

ย 

Previous Post

Waddada Soobe oo dib uga bilaabatay isu socodka dadka iyo gaadiidka

Next Post

Gaalkacyo: Barakacayaal la gaarsiiyay lacag iyo agab kale

Next Post
War-Saxafadeed laga soo saaray Wadahadallada Nabadeed ee ka socda Gaalkacyo+Akhriso

Gaalkacyo: Barakacayaal la gaarsiiyay lacag iyo agab kale

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

August 11, 2025
0

Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Mr. Abdisalam Abdi Ali, met on Sunday evening (August 10) in Algiers...

๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š๐ฒ ๐‚๐ข๐ซ๐š๐š๐ช ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ฎ tegay ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐คa

๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š๐ฒ ๐‚๐ข๐ซ๐š๐š๐ช ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ฎ tegay ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐คa

August 11, 2025
0

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha...

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin...

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

August 11, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah waxay ku fulisay Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In