Monday, March 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya oo kulan la qaatay ardayda halkaa wax ka barata

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya oo kulan la qaatay ardayda halkaa wax ka barata
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir, ayaa magaalada Dhaka ee caasimadda dalka Bangladhesh, kulan kula qaatay ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi wax ka barata.

Kulanka Safiirka iyo ardayda, ayaa ugu horreeyn waxaa halkaasi soo dhaweeyn lagu maamuusay Safiir Axmed oo hawlo shaqo halkaasi u joogay, is-xog wareysi iyo isbarasho laba dhinac ah ka dib waxaa la guda galay ajendaha kulanka.

Related posts

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

March 9, 2026
Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

March 9, 2026

Ardayda wax ka barata  dalkaas, ayaa warbixin guud ka siiyay Safiirka xaaladda ardayda iyo heerarkooda waxbarasho, sidoo kale waxaa ay lawadaageen caqabadaha jira iyo sidii ay Safaarad ahaan ku xalin karaan maadaama ay meesha ka maqanyihiin adeegyo badan oo dowladeed, islamarkaana adeegyadaasi  hadda qaarkood ay ka helaan Safaardda Soomaaliya ee dalka Hindiya.

Safiirka ayaa u sheegay ardayada in ay wadaan dadaalo sidii ay wada shaqeyn dhaw uyeelan lahaayen ardayda dalka Bangladhesh iyo Safaaradda oo marar kale duwan wada shaqeyn dhex martay ardayda wax kabarata dalkaas iyo Safaaradda Soomaaliya dalka Hindiya,  Safiirka ayaa dhanka ardayda u sheegay in tabashooyinkooda uu uxalin doono ayna heli doonan dhammaan adeegyada ay uga baahanyihiin Safaaradooda.

Dhanka kale Safiirka, ayaa ardayda kula dardaarmay in ay ka mira dhaliyaan dadaalkooda waxbarasho iyo midkii ay waaliddiintooda ku bixiyeen si ay usoo gaaran heerarkaan kala duwan ee waxbarashada, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay in ay midoobaan ayna ilaaliyaan midnimadaas waxbadanna ay iska kaashadaan.




Previous Post

Sheekh Aadan Madoobe oo ugu hambalyeeyay dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15ka May

Next Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo dib u furaya xadka labada dal “SAWIRRO”

Next Post
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo dib u furaya xadka labada dal “SAWIRRO”

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo dib u furaya xadka labada dal "SAWIRRO"

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khadka taleefanka kula...

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Saalim Caliyoow Ibrow, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda...

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda, ayaa kulan miro-dhal ah...

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In