Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo sheegay in meel wanaagsan uu marayo xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo sheegay in meel wanaagsan uu marayo xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay SONNA ayaa ka hadlay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,Ganacsiga,mashaariicda Shiinaha uu ka fuliyay Soomaaliya,horumarada la gaaray iyo arrimo kale oo badan.

 

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Mr. Qin Jian: ayaa marka hore wareysigiisa ku sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir saaxiibtimo in ka badan 600 sano ka hor,wuxuuna sheegay in caasimadda Muqdisho ay ku tallaabsatay horumar ganacsi oo la taaban karo.

“Tan iyo markii dhidibada loo taagay xiriirkii diblomaasiyadeed 1960-kii, xiriirkeenu wuu sii adkaanayay lana jaan qaadayay hadba isbeddelada markaasi jira,waxaan gaarnay natiijooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada,cayaaraha, tiknoolajiyada, daryeelka caafimaadka iyo waxyaabo kale oo badan. Laga soo bilaabo 1960 ilaa 1991, Dawladda Shiinaha waxay 89 mashruuc ka fulisay Soomaaliya oo ilaa iyo hadda laga xusi karo Garoonka Kubadda cagta ee Stadium Mogdisho,Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyo Tiyaartarka Qaranka,kuwaas oo marqaati u ah xiriirka Saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Shiinaha,” ayuu yiri Safiirka Shiinaha.

Sidoo kale, Dowladda Shiinaha waxay kaalin muhiim ah ka qaadatay taageerada Soomaaliya,iyadoo mashaariic horumarineed ka fulisay Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladiisa si adag u taageertay nabada,horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya,isagoona hadalkiisa intaa ku daray iney kaalin firfircoon ka qaateen taageerada arrimaha bini-adanimada Soomaaliya sida cunada,nafaqada,bixinta Teendhooyin,mara Kaneeco iyo bixinta lacagaha gargaarka deg deg ah ee loo baahan yahay.

Dhanka kale, Mr. Qin Jian ayaa ka hadlay mudada uu joogo xafiiskiisa Soomaaliya Horumarka uu gaaray iyo caqabadaha ka horyimid, wuxuuna Yiri”Waxaan joogaa Soomaaliya muddo ka badan laba sano. Waxaan dareemayaa in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad aad isu jecel dadkana jecel,waxay jecel yihiin nabadda, waxayna rajeynayaan nolol wanaagsan, waa dad  si adag u shaqeeya, rajadoodana tahay horumarka iyo barwaaqada dalkooda, si la mid  ah dadka Shiinaha marwalba waxay yihiin dad jecel nabadda.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa dhowaan waxay heshiis ku kala saxiixdeen Madashii Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC),kaas oo ahmiyad u leh hindisaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee loo yaqaan “Belt and Road Initiative”, fududeynayana isku xirnaanta dalalka qaybta ka ah, korna u qaadaya horumarkooda dhaqaale.

Previous Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadlaya Nabadda iyo Bulshada

Next Post

R/wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib shirkii Washington

Next Post
R/wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib shirkii Washington

R/wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib shirkii Washington

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In