Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo sheegay in meel wanaagsan uu marayo xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo sheegay in meel wanaagsan uu marayo xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay SONNA ayaa ka hadlay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,Ganacsiga,mashaariicda Shiinaha uu ka fuliyay Soomaaliya,horumarada la gaaray iyo arrimo kale oo badan.

 

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Mr. Qin Jian: ayaa marka hore wareysigiisa ku sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir saaxiibtimo in ka badan 600 sano ka hor,wuxuuna sheegay in caasimadda Muqdisho ay ku tallaabsatay horumar ganacsi oo la taaban karo.

“Tan iyo markii dhidibada loo taagay xiriirkii diblomaasiyadeed 1960-kii, xiriirkeenu wuu sii adkaanayay lana jaan qaadayay hadba isbeddelada markaasi jira,waxaan gaarnay natiijooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada,cayaaraha, tiknoolajiyada, daryeelka caafimaadka iyo waxyaabo kale oo badan. Laga soo bilaabo 1960 ilaa 1991, Dawladda Shiinaha waxay 89 mashruuc ka fulisay Soomaaliya oo ilaa iyo hadda laga xusi karo Garoonka Kubadda cagta ee Stadium Mogdisho,Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyo Tiyaartarka Qaranka,kuwaas oo marqaati u ah xiriirka Saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Shiinaha,” ayuu yiri Safiirka Shiinaha.

Sidoo kale, Dowladda Shiinaha waxay kaalin muhiim ah ka qaadatay taageerada Soomaaliya,iyadoo mashaariic horumarineed ka fulisay Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladiisa si adag u taageertay nabada,horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya,isagoona hadalkiisa intaa ku daray iney kaalin firfircoon ka qaateen taageerada arrimaha bini-adanimada Soomaaliya sida cunada,nafaqada,bixinta Teendhooyin,mara Kaneeco iyo bixinta lacagaha gargaarka deg deg ah ee loo baahan yahay.

Dhanka kale, Mr. Qin Jian ayaa ka hadlay mudada uu joogo xafiiskiisa Soomaaliya Horumarka uu gaaray iyo caqabadaha ka horyimid, wuxuuna Yiri”Waxaan joogaa Soomaaliya muddo ka badan laba sano. Waxaan dareemayaa in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad aad isu jecel dadkana jecel,waxay jecel yihiin nabadda, waxayna rajeynayaan nolol wanaagsan, waa dad  si adag u shaqeeya, rajadoodana tahay horumarka iyo barwaaqada dalkooda, si la mid  ah dadka Shiinaha marwalba waxay yihiin dad jecel nabadda.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa dhowaan waxay heshiis ku kala saxiixdeen Madashii Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC),kaas oo ahmiyad u leh hindisaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee loo yaqaan “Belt and Road Initiative”, fududeynayana isku xirnaanta dalalka qaybta ka ah, korna u qaadaya horumarkooda dhaqaale.

Previous Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadlaya Nabadda iyo Bulshada

Next Post

R/wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib shirkii Washington

Next Post
R/wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib shirkii Washington

R/wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib shirkii Washington

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In