Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Shiinaha oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Wakaaladda SONNA

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Safiirka Shiinaha oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Wakaaladda SONNA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Fei Shengchao ayaa wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, isaga oo ka hadlay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, go’aanka Golaha Ammaanka ee qaadista cunaqabateynta hubka, iyo taageerada Shiinaha ee hindisayaasha looga golleeyahay soo celinta nabadda, xasilloonida gobolka.

Safiirka ayaa ugu horreyn ka hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, kaasoo soo taxnaa muddo kun sano ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Tan iyo markii ay Dowladda Soomaaliya ay xornimadu qaateen 1960-kii, labada dal waxay sameeyeen xiriir diblomaasiyadeed oo bilow u ahaa iskaashi u dhaxeeya labada dhinac oo ku aadan dadaallada horumarineed.

“Intii lagu guda jiray waxa loogu yeero “30-kii sano ee dahabiga ahaa” Shiinuhu wuxuu gacan ka geystay dhismaha 89-mashruuc oo waaweyn oo uu Soomaaliya ka hirgeliyay, oo ay ka mid yihiin Tiyaatarka Qaranka, Garoomada Ciyaaraha, Isbitaalka Banaadir iyo Waddada Laamiga ah ee isku xirta Koonfurta iyo Waqooyiga dalka.” ayuu yiri Danjiraha.

Safiirka ayaa intaa ku daray: “Shiinuhu wuxuu sii waday inuu garab istaago Soomaaliya, isagoo ka taageeraya wax ka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah, baahiyaha bini’aadantinimo, amniga, iyo horumarka guud.”

Danjiraha ayaa sidoo kale ugu hambaliyeeyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee cunaqabteynta hubka looga saaray dalka, isagoo ku tilmaamay guul muhiim ah.

Danjire Fei Shengchao ayaa qiray dadaalka ballaaran ee ay DF u gashay sidii loo gaari lahaa guushan, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda guushan ay u leedahay wadajirka Afrika.

Safiirka ayaa ku celceliyay in Shiinuhu uu si hagar la’aan ah u garab taagan yahay dadaallada lagu raadinayo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka qaaradda, wuxuuna gaba gabadi u ballan qaaday dowladda Soomaaliya taageero buuxda.

 

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo weerar ku qaaday Khawaarijta ku sugan Koonfurta Mudug

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo si buuxda ula wareegay magaalada Masagawaa

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo si buuxda ula wareegay magaalada Masagawaa

Ciidanka Xoogga Dalka oo si buuxda ula wareegay magaalada Masagawaa

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In