Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaailya u fadhiya Dalka Turkiga oo caddeeyay in muwaaddiniinta Soomaaliyeed uusan saameyn doonin go’aankii turkiga

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaailya u fadhiya Dalka Turkiga oo caddeeyay in muwaaddiniinta Soomaaliyeed uusan saameyn doonin go’aankii turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaailya u fadhiya Dalka Turkiga ayaa sheegay inuusan wax saamayn ah ku yeelan doonin Muwaaddiniinta Soomaaliyeed go’aankii dhowaan ay soo saartay Dowladda Turkiga ee ahaa inaan sharciga Dal ku joogga la siin doonin ama Ikhaamada Dadka dalxiiska ku gala Turkiga.

Danjire; Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid), oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu la kulmay madaxa hay’adda socdaalka Turkiga, isla markaana uu u caddeeyay in Soomaalidu aysan ka mid ahayn Dadka loo diidayo Dal ku joogga.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ambassador; Cabdullaahi Jaamac (Ceydiid), ayaa sheegay in madaxa hay’adda socdaalka ee Turkiga uu kala hadlay sidii Visaha ama Dal ku galka loogu fududeyn lahaa wakhtigana loogu kordhin lahaa Dadka caafimaadka u yimaadda Dalkaas.

“Sannadkan 2019 in ka badan 11 kun oo Soomaali ah ayaa dalbatay Dal ku galka Turkiga (Visa), waxaana la siiyay in ka badan 7 kun oo Soomaalida wata Baasaboorka Soomaaliga” ayuu yiri Ambassador Ceydiid.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dhowr Dal oo uu xiriir gaar ah kala dhexeeyo Dalka Turkiga, kuwaas oo ay Muwaaddiniintoodu ku galaan si fudud, iyagoo aan wax culays ah kala kulmin sharciga Dal ku joogga ah.

Previous Post

Colaad dhax martay Beello wada daga Miyiga Gobolka Mudug oo lasoo Afjaray

Next Post

Ciidamada xoogga dalka oo ku wajahan deegaanno Galbeedka ka xiga Baardheere

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo khasaare lixaad leh gaarsiiyey  Argagixisada Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka oo ku wajahan deegaanno Galbeedka ka xiga Baardheere

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In