Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa ku soo dhoweeyay xoghaynta xafiiska Midowga Afrika Mss Dalitso Bonongwe, wafdigan booqashada ugu yimid safiirka waxaa sidoo kale ka mid ah ahayd Ms Laura Rakoton Andrasana oo ah Madaxada isgaarsiinta ee Midowga Afrika.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhexeeya Safaaradda Soomaaliya iyo Midowga Afrika, gaar ahaan arrimaha khuseeya nabad-galyada gobolka iyo guud ahaanba Afrika.