Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS iyo Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo casho sharaf loo sameeyey

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS iyo Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo casho sharaf loo sameeyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo wafdi ka socotay Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo kulamo farsamo kulahaa Kenya ayaa ka qeybgalay kulan casho sharaf ah oo loogu sameeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabiyeen ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa waxaa ka qeybgalay mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Bulshada Bariga Afrika , Mudane Xamsa Aadan Xaadow Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada mudane Bashiir Macalin Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Guuleed Cabdijaliil, Wakiilo ka socday Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, diblomaasiyiin, ganacsato iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay ayaa xalay lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo lagu soo bandhigay suugaan ka hadlaysa midnimada Afrika.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐a

May 10, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026

Xaaji Dool Maxamed Yuusuf Wakiilka Hala Airline oo ku hadlayay magaca ganacsatada Soomaaliyeed ee xafladda qaban qaabisay ayaa tilmaamay inay soo dhaweynayaan dadaallada socda.

Tiri Marie Rose oo ah madaxa wafdiga Afrikada Bari ee wadahadalka kula jira wafdiga Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka goโ€™antahay inay ย taageerto Aragtida Madaxweyne Xassan Sheekh ee ah in Soomaaliya ay ku biirto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika.

Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Caafimaadka ka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Bashiir Macalin Cali iyo Dr Guuleed Cabdijaliil ayaa si wada jir ah uga hadlay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay ku biirista Bulshada Bariga Afrika.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Aadan Xaadow ayaa u mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee sida diiran u soo dhaweysay wafuudda kala duwan.

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Ururka Bulshada Bariga Africa (EAC), sidoo kalana hogaaminayay Wafdiga wadaxaajoodka ee ka socday Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Hadliye Omer oo ka hadlay Xafladda ayaa sheegay in ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC- da ย ay ka dhigantahay guul weyn, taasina ay suurta gelin doonto in Ganacsiga Soomaaliya uu ku baaho Bariga Afrika, Dhaqaalaha dalkana uu meel wanaagsan gaaro.

Oggolaanshaha Soomaaliya ee ku biirista Urur Gobolleedka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga Afrika ayaa waxa uu ballaarin doonaa baaxadda suuqa ee hadda jira, daboolidda juqraafi ahaan, kala duwanaanshiyaha iyo kobaca loo dhan yahay dhammaan dawladaha xubnaha ka ah, iyada oo Soomaaliya ay rajeyneyso in ay gaari doonto guulo aan la qiyaasi karin marka ay ku biirto suuqaan.

Previous Post

Kulan ku saabsan guulihii laga gaaray Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia oo qaabilay Xoghayaha Xafiiska Midowga Afrika

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia oo qaabilay Xoghayaha Xafiiska Midowga Afrika

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia oo qaabilay Xoghayaha Xafiiska Midowga Afrika

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐a

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐a

May 10, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026
0

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee sida nabadda ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah...

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, iyo shacabka ku nool magaalada Baraawe ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In