Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo booqasho ku tegay dalka Thailand

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo booqasho ku tegay dalka Thailand
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo casuumad ka helay dhigiisa Safiirka boqortooyada dalka Thailand u fadhida dalka Kenya Marwa, Morakot Janemathukorn, ayaa safar shaqo ku tagay dalka Thailand.

Ujeedka Safarkaan uu Danjirahu  ku tagay dalka Thailand ayaa waxaa uu salka ku hayay xoojinta xiriirka labada dal iyo in dowlada Thailand ay u soo bandhigto shacabka Soomaaliyeed adeegyada caafimaad ee casriga ah ee ka jira gudaha dalka Thailand.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Shacabka Soomaaliyeed ee  ay la soo darsaan ama ku dhacaan cudurada aan lagu daaweyn karin dalka gudihiisa ayaa caafimaad ka raadsada dalka dibadiisa. Dalka Thailand ayaa noqon kara mid ka mid ah dalalka kala duwan ee u furan muwadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan inay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Dajire Jabriil iyo holwadeenno la socday oo marti u ahaa Safaaradda Thailand ee dalka Kenya ayaa sidoo kale waxa ay booqdeen Isbitaalada kala duwan ee ka howlgala dalka Thailand. Sidoo kale Safiirka iyo diblomaasiyiinta la socotay waxa ay safaro ku kala bixiyeen gobolada kala duwan ee dalkaas.

Xiriirka labada dal ee Thailand iyo Soomaaliya ayaa labadii sano ee la soo dhaafay ahaa mid soo kobcaya, iyada oo dalka Thailand dhawaan ay ugu deeqday Soomaaliya kaalmo dhaqaale oo lagu taageerayo dadka ay dhibaatada ka soo gaartay fatahadii wabiyada.

Dowladda Thailand ayaa horay waxa ay deeqo waxbrasho u siin jirtay arday Soomaaliyeed. Sidoo kale Ganacsato Soomaaliyeed ayaa xiriir ganacsi oo tayo leh la lahaa dalka Thailand, iyaga oo ka soo dhoofin jiray dalkaas badeecado kala duwan. Waxaa sidoo kale jira Ganacsato u dhashay dalka Thailand oo ganacsiyo kala duwan kawada dalka Soomaaliya.

Socdaalka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ee uu ku tegay dalka Thailand ayaa waxa uu sii xoojinayaa xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Thailand ka dhexeeya.

Horaanta sanadka soo socda ayaa la filayaa in mas’uuliyiin heer Wasiiro ah oo ka kala socda labada dal ay booqasho kala duwan ku kula bixiyaan labada dal.



Previous Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddiga Gurmadka Qaran oo yeeshay kulan muhiim ah

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddiga Gurmadka Qaran oo yeeshay kulan muhiim ah

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddiga Gurmadka Qaran oo yeeshay kulan muhiim ah

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In