Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo ka hadlay in la xoojiyo la dagaallanka fikirka xagjirka ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo ka hadlay in la xoojiyo la dagaallanka fikirka xagjirka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiiirka Soomaaliya ee dalka Kenya  Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa soo xiray kulan diimeedka 6aad ee Ansaaru Sunna, isagoo ku booriyay Culimada in la xoojiyo la dagaallanka fikirka xagjirka ah.

Kulankan oo ay ka qeybgaleen Culimaa’udiinn si weyn looga yaqaan geyiga Soomaalida oo ka kala yimid dunida daafaheeda ayaa muddada afarta cisho ah ee uu socday looga hadlay in qofkasta ay mas’uuliyad ka saarantahay faafinta dacwada Diinta Islaamka, iyado ay ka soo qeybgaleen ku dhawaad 3 kun qof.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

Qaar ka mid ah Culimada ayaa bulshada iyo ka qeybgalayaasha kula dardaarmay inay xoojiyaan wacyigelinta bulshada ee dhanka faafinta Diinta, isla markaana la joogteeyn doono qabashada kulamada nuucaani oo kale ah.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle oo soo xiray kulanka ayaa ka mahadceliyey Culimaa’udiinkii waqtigooda u huray inay bulshadooda gaarsiiyaan dacwadda Diinta Islaamka, isla markaana ka dalbaday Culimada inay u duceeyaan dalkeena iyo dadkeena Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

“Culimada waxaan uga mahadcelinayaa waqtigooda ee ay u hureen inay bulshadooda gaarsiiyaan dacwadda Diinta Islaamka, waxaan kaloo rabnaa in la xoojiyo fikirka lagula dagaalamayo kuwa ka been sheegaya Diinteena Islaamka, waxaana Safaaraddu ay diyaar idinla tahay inay la shaqeyso Culimaa’udiinnka Soomaaliyeed”.ayuu yiri Danjire Jabriil.

Kulan diimeedka ayaa gaba gabadiisa loogu duceeyay dadka iyo dalka, waxaana inta uu socday kulan diimeedka ay Diiinta Islaamka qaateen 21 qof.



Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay Cilmi-baaris ku saabsan cudurka HIV AIDS                                                                             

Next Post

Madaxweynaha JFS oo faray in dib u eegis lagu sameeyo mushaaraadka ciidanka

Next Post
Madaxweynaha JFS oo faray in dib u eegis lagu sameeyo mushaaraadka ciidanka

Madaxweynaha JFS oo faray in dib u eegis lagu sameeyo mushaaraadka ciidanka

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In